Doorashooyinkii golaha degaannada ee dalkaan Finland ayaa dib loo dhigay xaaladda feyruska korona ee dalka ka jirta awgeed

Sabti 06.03.2021. Waasaradda caddaaladda ee dalkaan Finland iyo xisbiyada ka jira dalka ayaa go’aan ku gaaray, in doorashadii golaha dagaannada ee dalkaan Finland dib loo dhigo, waxaana laga dhigay waqtiga qabashada 13.06.2021 halkii ay awal ka ahayd 18.4.2021, xaaladda faafista feyruska korona ee aadka u xun ee dalka ka jirta awgeed.

Maadaama xaaladda ba’an ee fayruska korona ee jirta ay qorshihii doorashada oo dhan saamayn ku yeelatay, ayaa wasaaradda caddaaladdu waxaa ay jimcihii farriimo u kala dirtay dhammaanba xisbiyada dalka ka jira, taasoo ay ugu soo jeedisay in qabashada doorashooyinka dib loogu dhigo illaa iyo 13 bisha Juun ee soo socota. Wasaaraddau waxaa ay sheegtay in qabashada doorashada ee xilligii hore loogu qoondeeyay ee ahaa bisha April ay ku jirto khatar weyn oo xagga caafimaadka ah.

Halka dhanka kale ay wasaaraddu ka muujisay in khatartaas ay yar tahay haddii bisha Juun la qabto doorashooyinka, maadaama la filaayo in xilligaas dadka intiisa badan ay qaateen tallaalka looga hortagaayo cudurka safmarka ah ee korona.

Go’aanku wuxuu ahaa mid aan la isku wada raacsanayn. Sida wasaaradda caddaaladdu ay sheegtay 8 xisbi oo ka mid ah sagaalka xisbi ee dalka ka diiwan gashan ayaa isku raacay, waxaana ka soo horjeestay xisbiga mucaaradka ee la yiraahdo Perussuomalaiset (Finishka asalka ah).

Hay’adda caafimaadka iyo nololwaanagga ee dalkaan Finland THL ayaa hore u soo jeedisay fikradda ah in doorashooyinka golaha degaanka dib loo dhigo, xilligaas oo hay’addu ay qiyaasayso in dadka u nugul halista cudurrada ay qaateen tallaalka. Sababtaas awgeed ayaa qabashada doorashada bisha Lixaad ay uga wanaagsan tahay in la qabto bisha afaraad.

Xigasho: Yle,Hs