FINLAND oo maanta u dabbaal-degeysa maalinta xornimadeeda oo ay ka soo wareegtay 104 sano

Calanka Finland: Photo Mohamed Ibrahim

Helsinki- 6.12.2021- Sannad kasta maanta oo kale (6.12) waxaa si mug leh dalka Finland looga xusaa maalinta ay xornimadooda ka qaateen dalka Ruushka oo muddo siyaabo kala duwan u maamulayay.

Sannadkan waxaa gebi ahaanba la joojiyay Xafladda maalinta xornimada Finland ugu caansan oo ah Qaabilaadda midabada badan ee ay Lamaanaha Madaxtooyadu, yacni Madaxweynaha iyo Marwada Koowaad ay ku qabtaan Qasriga Madaxtooyada Finland.

Waxaa kale oo iyana la joojiyay gaadda-socodkii iyo dhoolatuskii ciidamada qalabka sida ee Finland ay maanta oo kale soo bandhigi jireen.

Sababtan labadan hab-maamuus ee Maalinta Xornimada Finland ugu waaweyn loo joojiyay ayaa ah, xaaladda safmarka Koronaha oo markale soo laba-kaclaysay. Waxaa kale oo xusid mudan in sannadkii horeba ee 2020 sidan oo kale loo baajiyay Koronaha dartiis xafladaha lagu maamuuso Maalinta Xornimada Finland.

Si kastaba ha ahaatee, Waxaa dhegta loo taagayaa farriinta uu sannadkan madaxweyne Sauli Niinistö, madaxweynaha Jamhuuriyadda Finland uu maanta u jeedin doono Shacabka Finland.

Farriinta Bahda Warbaahinta Codka Soomaalida Finland waxay Dhammaan dadka Finnishka ah iyo dadka Finland deggan la qaybsanayaan farxadda Maalinta Xornimada Finland.

Hyvää Itsenäisyyspäivää!