Xukuumadda Finland oo mamnuucaysaa safarada dalxiiska ah ee ay muwaadiniinta Ruushka ah ku imaanayaan Finland

Waxaa gebi ahaanba istaagay dalxiiskii ay dadka Ruushka ah ku imaan jireen Finland, kaddib markii ay xukuumadda Finland soo saartay go’aan safaradaas lagu mamnuucayo. Go’aankan oo shaqaynayaa illaa iyo wakhti aan la cayimin ayeey xukuumadda Finland gaartay Khamiistii la soo dhaafay oo kuu beegneyd 29.9.2022 .

Sababaha go’aankan loo cuskaday ayaa lagu sheegay, dib u hawlgelinta ciidamada keydka ah ee Ruushka iyo safaradda ay dadka Ruushka ah ku imaanayaan Finland ama ay ku sii marayaan oo batay, safaradaas oo la sheegay in ay halis-gelinayaan xiriirka caalamiga ah ee ay Finland leedahay.

Go’aankan ma ahan mid saamaynaya sida ay xukuumaddu sheegtay, safarada la xiriira arrimaha bani’aadminimada, danta qaranka iyo waajibaadka caalamiga ah.
Dhanka kale, go’aankan wax saameyn ah kuma lahan imaatinka ay dalka Finland imaanayaa dadka xiriir qoys, shaqo ama waxbarasho ku leh Finland.

Dalka Ruushka ayaa waxaa muddoooyinka ka cararayay dad badan oo ka baxsanaya amarka madaxweynaha Ruushka Putin ee dib u hawlgelinta ciidamada keydka ah ee Ruushka. Waxaa kale oo ay dad badan oo Ruush ah ka baqanayaan saameynta ka dhalan karta dagaalka daba-dheeraaday ee uu Ruushka ka wado dalka Yukreyn.
SSMV