Feyruska Korona miyuu markale ku dhacaa qofkii uu horay ugu dhacay?

Helsinki 26.8.2020 Waxaa xilligii uu soo ifbaxay cudurkaan safmarka ah ee feyruska korona aad loo hadal hayay warar sheegaya, in mar hadii uu qofka ku dhaco feyruskan uusan mar labaad qofka ku soo noqoneyn oo jirkiisu uu yeelaanayo awoodda difaaca jirka oo ka hortageysa cudurka.

Haddaba iyadoo xanuunkaan korona maalin walba midda ka dambeysa wax cusub laga ogaanayo, ayaa waxaa haatan soo ifbaxaysa cilimibaarisyo la sameeyay kaddib, in feyruska qofkii uu hore ugu soo dhacay, uu mar labaad qaadi karo.

Sida uu sheegay kanaalka wararka ee CNN, waxaa jira nin 33 jir ah oo baaritaankii lagu sameeyay kaddib la ogaaday in feyruska korona uu laba mar oo kala duwan ku dhacay isla sannadkaan gudihiisa. Markii ugu horreysay ee uu ninkaan ku dhacey cudurka waxaa uu lahaa astaamaha cudurka lagu garto, hase yeeshee markii labaad ee ee uu ku dhacay feyruska korona wax astaamaha xanuunka ah ma lahayn.

Markii labaad ee xanuunka laga helay waxaa uu ninkaan safar kaga soo laabtay Honkong, isagoo yimid dalka Isbeyn, kaddibna waxaa markii saami laga qaaday laga helay feyruska korona. Ninkan laga helay mar labaad cudurka waxaa uu galay oo u baahday daryeel isibitaal.

Arrinkaan waxaa lagu ogaaday baaritaan ay sameeyeen cilimbaarayaal ka socda jaamacadda Hongkong iyo kuwo kale oo ka tirsan isbitaallada Hongkong.

Baaritaankaas Jaamacada Hongkong kaddib ayaa Talaadadii waxaa soo baxay warar tilmaamaya in kiisas noocaas oo kale ah laga helay dalalka Holland iyo Biljamka, kuwaasoo xaqiijiyay in ay jiraan dad feyruska korona uu hore ugu dhacay gu’gii la soo dhaafay, oo haddana mar labaad uu ku dhacay markii ay mowjadda labaad ku dhuftay dalalkii uu hore u soo maray feyrusku.

Khabiir ka tirsan Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO oo la yiraahdo Maria Van Kerkhove ayaa sheegtay, in ay muhiim tahay in dadku ay arrinkaan ku baraarugaan, islamarkaana ay ka digtoonaadaan halista cudurka.

Warbixintan waxaa diyaariyay Ustaad Abdirizak Sugulle