Qoraaga da’da yar, Cabdijibbaar Nuux Ismaaciil  wuxuu ku dhashay kuna barbaaray qurbaha wuxuuna buugaag ku qoray af-Soomaali? -Warbixin

Cabdijibbaar Nuux Ismaaciil wuxuu sannadkii 1998 ku dhashay magaalada Kouvula, Finland, wuxuuna barbaarin-horaadka, waxbarashada aasaasiga ah iyo kuwa ka sarreeyaba ku qaatay dalka, luqadda uu wax ku baranayay waxay ahayd afka Finnishka oo aan fir-wadaag la ahayn afka Soomaaliga.

Si kastaba ha ahaatee, Cabdijibbaar Nuux Ismaaciil wuxuu marqura ka soo dhexmuuqday dhallinyarada asalkooda Soomaaliga yahay ee ku dhaqan Finland kaddib markii uu soo saaray buug sheeko xarriiro ah oo ku qoran af-Soomaali fasiix oo ay fududahay in la aqriyo. Buuggan ayaa lagu magacaabaa Liibaan Libaax.

Buuggan oo si fiican suuqa u soo galay ayaa soo dhoweyn wanaagsan kala kulmay Soomaalida ku dhaqan Qurbaha, taas oo keentay in muddo kooban lagu iibisado 500 oo nuqul oo buugga Liibaan Libaax ah.

Cabdijibbaar Nuux Ismaaciil oo weli hawshii qoraanimo sii wata ayaa sidoo kale soo saaray buug kale oo lagu magacaabo Shimbir adduunka beddelay. Buuggan Shimbir adduunka beddelay ayaa waxaa uu ka hadlayaa habdhaqanka wanaagsan waxaana ku jira tusaalooyin sahay wanaagsan carruurta iyo da’yarta Soomaaliyeed.

Buugga ayaa qaab sallaxan oo si fudud loo dabbaqi karo u sharraxaya akhlaaqda wanaagsan iyo sida ay tahay in deriska loola dhaqmo. Waxaa kale oo uu buuggu muunaynaa muhiimadda uu leeyahay saaxiibka wanaagsan iyo sida looga fogaado saaxiibka xun.

Hibada wax qorista ayuu Cabdijibaar Nuux Ismaaciil sheegay in uu yaraantiisi isku arkay. Wuxuu sidoo kale sheegay in uu tan iyo yaraantiisa jeclaa qorista maqaallo uu ku qorayay afka finnishka iyo in uu sidoo kale ku fiicnaan qoraalka maqaallada hal-abuurka iyo waaya-ka-hadalka ku salaysan.

Kuva: Mohamed Ibrahim/SSMV

Qoraa Cabdijibaar oo ka hadlayay sida uu u arko in carruurta qurbaha ku dhasha kuna barbaara loo bari karo afkooda hooyo ayaa sheegay, in ay muhiim tahay in carruurta lagula hadlo afka Soomaaliga marka ay gurigooda joogaan xittaa haddii aanay iyagu ku jawaabayn af Soomaali. Ku celcelinta lagu celceliyo ku hadalka af Soomaaliga marka ay carruurtu kula joogaan ayaa ah sida uu Cabdijibaar u arko, habka ugu wacan ee afka lagu bari karo carruurta.

Cabdijibaar wuxuu sidoo kale ku talinayaa in buugaagta sheekooyinka ah ee af Soomaaliga ku qoran, gaar ahaan kuwa akhlaaqda wanaagsan, dhaqanka suubban iyo baarinimada ka hadlayo loo akhriyo carruurta.

Haddii aad doonayso in aad buugaagtaas hesho waxaad kala xiriiri kartaa qoraaga buugaagta Cabdijibaar Nuux Ismaaciil.

Ballanteenu waa akhrin iyo u akhrin wanaagsan!