Sannadka soo socda oo Canshuurta lagu kordhinayo dadka uu dakhligoodu yaryahay

Vantaa 27.6.2020- Warbaahinta Uutissuomalainen ayaa sheegaysa, in ay heshay warar sheegaya in canshuurta laga qaado dadka uu dakhligoodu yaryahay la kordhinayo.

Kordhinta canshuurta ayaa sabab looga dhigay saameynta dhaqaale ee uu Fayruska Korona keenay. Uutissuomalainen ayaa dhanka kale sheegtay in haatan la wado hawlo lagu kordhinayo Canshuurta degmada iyo tan dowladda ee sannadka soo socda.

Dhaqaalayahanka Ururka Canshuur-bixiyayaasha Janne Kalluinen ayaa sheegaya in la qiyaasayo in canshuuurta lagu kordhiyo 0,5 boqolkiiba (0,5%).

Canshuurta ku kordhaysaa dadka uu dakhligoodu hooseeyo ayaa waxay ka badan tahay tan ku kordhaysa dadka uu dakhligoodu sarreeyo ee jeeb-weynayaasha ah.

Kordhinta canshuurta lagu kordhinayo dadka uu dakhligoodu hooseeyo ayaa lagu sheegay in ay qofka mushaarka caadiga ah qaata uga dhigantahay in uu bixinayo qiyaastii 730 € oo dheeraad ah sannadkii.

Dadka qaata bishii 2000 oo lacagta hawlgabka ah ayaa iyaguna lacagtaas ka bixin doonaa qiyaastii 440 € oo dheeraad ah sannadkii.

Xigashi: ILTALEHTI

Sawirka: Kauppalehti