Shirka Istiraatiijiyada Jaaliyadda Soomaaliyeed “Somaliliitto” oo Helsinki lagu qabtay

Shirka Istiraatiijiyada Jaaliyadda Somaliliitto - Sawirka: Mohamed ibrahim/SSMV

Helsinki – Waxaa magaalada Helsinki lagu soo gebagebeeyay shirka istiraatiijiyada  loo dejinayay jaaliyadda Midnimada Soomaaliyeed ee Somaliliitto.

Shirkan oo lagu qabtay hotel Rantapuisto ee magaalada Helsinki ayaa waxaa ka soo qeybgalay wakiilada  bulshada qeybaheeda kala duwan iyo khubaro.

Nils Erik Forsgård iyo Lia Markelin oo ka ka socday hay’ad lagu magacaabo Magman oo ah hay’ad cilmi baarisyo sameysa. Sawirka: SSMV

Shirka Istiraatiijiyada Jaaliyadda furitaanka kadib, waxaa la weydiiyay ka khubaradii ka qeybgalayaasha ahaa waa ay la tahay in jaaliyadda muhiimadda gaar ah siiso shanta sano ee soo socota,  iyadoo shirka ay daadihinayeen Nils Erik Forsgård iyo Lia Markelin oo ka ka socday   hay’ad lagu magacaabo Magman oo ah hay’ad cilmi baarisyo sameysa.

Shirka Istiraatiijiyada Jaaliyadda Somaliliitto oo Helsinki lagu qabtay. Sawirka: SSMV

Ka qeybgalayaasha ayaa marka hore ka dooday istiraatiijiyadii hore ee Jaaliyadda, iyagoo wixii karaankooda ku kordhiyay wixii fikir ahaa oo ay meesha ku soo bandhigeen, dhammaan afkaarta meesha lagu soo bandhigayna waxa ay mid wax weyn ka tareysa dar-dar gelinta shaqada jaaliyadda.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Ahmed Hassan oo gebagebadii shirka u mahadceliyay ka qeybgalayaashii iyo sidii firfircoonida lahayd ee ay maskaxdooda u tuuiyeen intii uu shirku socday, waa uuna ballan qaaday in afkaarta halkan lagu soo bandhigay ay aas-aas u noqon shaqada jaaliyadda.

Guddoomiye Ahmed ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in isbedel la sameeyo, taasoo waxweyn ka tari doonta hannaanka shaqo ee Jaaliyadda.

“Isbedellada halkan aad ku sameysteen waxaa lagu ansixin doonaa shirka bishan September oo ay maamulku qaban doonaan,” Ahmed Hassan, Guddoomiyaha Somaliliitto ayaa yiri, “Mashruuc weyn oo laga hirgelin doono Helsinki, Tampere iyio Turku ayaa jaaliyaddu fulin doontaa mustaqbalka dhow”

Mashruucyadaas ayaa ujeedkoodu yahay sida guddoomiyuhu sheegay sidii kor loogu qaadi lahaa  ururada xubnaha ka ah Jaaliyadda ee xarumahooda yihiin magaalooyinkaas.

Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyn u mahadceliyay khubaradii waqtigooda u huray ee lagu casuumay shirka iyo hay’adda Magma.