Kulan isbarasho, xogwareysi iyo talo-wadaag ah oo Baarlamaanka Finland ku dhexmaray horseedka dhallinyarada Finland- Xildhibaan Suldaan Said Ahmed oo kulankaas martigeliyay

Suldaan iyo dhallinyarada Finland @Baarlamaanka Finland

Kulan ujeedkiisu ahaa is-xog-wareysi, talo-wadaag, isbarasho iyo isku-xirka dhallinyarada Finnishka ah ee asal ahaan dalka u soo guuray ama ka soo jeeda qoysas dalkan u soo guuray ayaa maanta ka dhacay xarunta Baarlamaanka Finland, kulankaas oo uu oday ka ahaa Xildhibaan Suldaan Said Ahmed.

Dhallinyaradan oo ka kala socotay dhinacyada kala duwan ee bulshada Finland, islamarkaasna safka hore uga jirta ganacsiga, fanka, war-isgaarsiinta, shirkadaha waaweyn ee suuqa shaqada saameynta ku leh, hay’adaha cilmibaarista iyo qaybo kale oo badan ayaa iska wareystay xaaladda dhallinyarada Finland, siyaasadda, dhaqaale iyo ammuuraha kale ee haatan dalka ka taagan.

Xildhibaan Suldaan Said Ahmed ayaa isaguna dhankiisa dhallinyaradan uga warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay muddada kooban ee uu baarlamaanka ku jiray, waxyaabaha qabyada ka ah iyo qorshayaashiisa siyaasadeed ee mustaqbalka.

Dhallinyaradan ayaa ugu dambeyntii isku afgartay in ay joogteeyaan kulamada noocaan ah, si ay door shariif ah uga qaataan siyaasadda, dhaqan-dhaqaalaha iyo guud ahaan horumarka dalka Finland.

Kulankan ayaa ka mid ah kulamada uu sida joogtada ah Xildhibaan Suldaan Said Ahmed ula yeesho qaybaha kala duwan ee bulshada ee ku dhaqan Finland.

SSMV