Shabakadda nabadda ee dhallinyarada Bariga Afrika oo Finland lagu aasaasay iyo dhallinyaro badan iyo madax ka qaybgashay aasaaska

MADAL HEER SARE LOO SOO AGAASIMAY oo ka dhacday Mu’asasada faca weyn ee Diakonissalaitos xarunteeda Helsinki laguna aasaasayay Shababadda Nabadda ee Dhallinyarada Geeska Afrika ayaa waxaa ka soo qaybgalay tiro badan oo dhallinyaro ah oo ka soo jeedda dalalka Bariga Afrika haba ugu badnaadaan Soomaaliya iyo Suudaan.

WASIIRKA WASAARADDA DHALLINYARADA iyo ciyaaraha Soomaaliya oo madasha hadal ka jeediyay ayaa sharraxaad ka bixiyay xaaladda ay dhallinyarada Soomaaliyeed soo mareen, xaaladda ay hadda ku jiraan iyo qorshayaasha wasaaraddiisa uga degsan sare u qaadista nololwanaagga, waxbarashada iyo fursadaha shaqaaloobidda ee dhallinyarada.

Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in maaddaama ay tirada ugu badan shacabka Soomaaliyeed ay dhallinyaro yihiin, loo baahan yahay in dhallinyaradu qayb lixaad leh ka qaadato nabadda iyo xasiloonidda dalka Soomaaliya. Siyaasadda iyo go’aan ka gaarista mustaqbalka Soomaaliya ayuu dhanka kale wasiirku sheegay in aan dhallinytarta la’aantood horumar laga samayn karin.

Madashan oo muhiimad gaar ah lahayd ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo ciyaaraha JFS Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud, ergayga gaarka ah ee Finland u qaabilsan nabadda Geeska Afrika Suldaan Said Ahmed iyo Danjiraha nabadda iyo dhexdhexaadinta dowladda Finland Danjire Jan Wahlberg.

MADASHA AYAA LAGU FURAY FARRIIMO ay soo direen dhallinyaro nabad-jirayaal ah oo ka hawlgala Soomaaliya iyo Kenya, kuwaas oo wadashaqeyn la leh waaxda xiriirka caalamiga ah ee ee Mu’asasada Diakonissalaitos. Dhallinayarada farriimaha soo diray ayaa dhammaantood ka sinnaa niyad-samida ay u hayaan nabad ku baahda Bariga Afrika oo ay dhallinyarada gobolka horseed ka tahay.

DANJIRAHA NABADDA iyo dhexdhexaadinta dowladda Finland danjire Jan Wahlberg oo madasha ka jeediyay hadal mug leh ayaa ku nuuxnuuxsaday sida ay dowladda Finland uga go’antahay bari-taageeridda dadaallada nabadda iyo xasiloonidda Bariga Afrika. Danjire Jan ayaa sidoo kale sheegay in doorka dhallinyarada ee nabadda la siin doono muhiimad gaar ah iyadoona la dhegeysan doono talalada iyo tusaalaha da’yarta Bariga Afrika marka la qorshaynayo habraaca nabadda iyo dhexdhexaadinta ee dalalka Bariga Afrika.

SULDAAN SAID AHMED, ERGAYGA GAARKA AH EE FINLAND u qaabilsan nabadda iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika oo dhowaan ka soo laabtay safar shaqo oo uu ku soo kala bixiyay dalalka Geeska Afrika ayaa ka warbixiyay guud ahaan ujeedka safarkaas iyo dhinacyadii uu la soo kulmay. Mudane Suldaan ayaa hoosta ka xariiqay in dhallinyaradu ay haatan kaalintooda nabadda ee gobolka qaadanayaan ayna diyaar u yihiin in ay wax ka beddelaan aragtidii ahayd in nabad ka shaqayntu ay tahay hawl aanay dhallinyaradu qayb ka ahayn.

MUDANE SULDAAN SAID AHMED OO SIDOO kale ka tirsan hawlwadeennada Waaxda xiriirka caalamiga ah ee Mu’asasada Diakonissalaitos iyo madaxa isgaarsiinta ee waaxdaas Laura ayaa ka warbixiyay shaqooyinka nabadda iyo rajo abuurka la xiriira ee ay ka qabtaan Bariga Afrika iyo sida ay ugu go’antahay sii wadista hawlaha nabadda iyo rajo-abuurka ah ee ay horay uga wadeen gobolka.

SHABAKADDA NABADDA EE DHALLINYARADA Bariga Afrika ee Finland ayaa noqon doonto shabakad si iskaa wax u qabso ah ay dhallinyarada gobolkaas ka soo jeedda uga shaqayn doonaan iyagoona dhowaan yeelan doona kulamo la xiriira qorshaynta waxqbadka mustaqbalka. Shabakadda ayaa waxaa sidoo kale isu-duwe iyo hawl-fududeeye u noqon doono Mudane Suldaan Said Ahmed waxayna maamul ahaan hoos-tegeysaa Mu’asasada Diakonissalaitos ee Finland.

Sawirrada/ SSMV/Mohamed Ibrahim