Xaaladda boosteejada tagaasida ee bartamaha Helsinki (Asema-aukio) oo weli qasan iyo duqa maagaalada Helsinki Juhana Vartiainen oo billaabay hawl arrinkaas lagu xallinayo

Boosteejada tagaasida ee bartamaha Helsnki/ Sawir: SSMV/Abdi Musse

Duqa magaalada Helsinki Juhana Vartiainen oo ka duulaya xaaladda cakiran ee fowdada u muuqata ee ka taagan maxaddada tagaasida kaabiga ku heysa boosteejada tareennada ee bartamaha Helsinki (Asema-aukio) ayaa koox khubaro ah u igmaday in ka salgaaraan kana soo talabixiyaan xaaladda maxaddadan.

Ujeedada ay magaalada Helsinki ka leedahay arrinkan ayaa ah, in tartan la geliyo dadka bixiya adeegyada tagaasida, kuwaas oo ka hawalgeli kara boosteejada tagaasida ee Asema-aukio.

Duqa magaalada Helsinki Juhana Vartiainen oo arrinkan ka hadlayay ayaa yiri:- ”Nasiibdarro, xaaladda ka jirta maxadadda tagaasida ee Asema-aukio ma ahan mid wakhtigan hadda la joogo ay dani ugu jirto dadka magaalada deggan, martida magaalada iyo xittaa kuwa adeegga tagaasida bixiya. Ma ahan wax sii socon kara hawsha halkaas ka jirta ee marin-habaabinta ah kalsoonida wiiqaysa. Sia degdeg ah ayaa loogu baahanyahay in goobta lagu soo celiyo xasiloonidii, kala caddaantii iyo kalsoonidii lagu qabay.”

Hadalka duqa magaalada Helsinki ayaa soo baxaya xilli xaalad qasan oo macaamiil kala jiidasho ah nidaam iyo kaltanna aan ku dhisnayn ay meesha ka jirtay in muddo ah. Waxaa kale oo xusid mudan in dirawallada tagaasidu ay si muuqata goobta ugu murmaan mararka qaarna ay xittaa gacan isula-tagaan.

Booliska ayaa sidoo kale goobta ku gaaf-wareega isagoo ammaanka guud iyo kala dambeynta goobta sugaya dhaqdhaqaaqana isha ku haya.

Dad badan ayaa ka maaga in ay tagsi ka qaataan xaruntan tagaasida oo ka sokow dadka magaalada iyo agagaarkeeda deggan, u adeegta musaafurka safar dalxiis ama shaqo ku yimaada magaalada.

Wakhtiga uu duqa magaalada Helsinki Juhana Vartiainen u qabtay in arrinkan xal buuxa looga gaaro ayaa ah dhammaad jiilaalka ee sannadkan 2024.

Sawirka: SSMV/Abdi Musse Mohamud

Isha warka: Magaalada Helsinki