Mudaaharaadyadii looga soo horjeeday madaxweynaha Belaruus ayaa wali socda, iyadoo madaxweyne Aljaksandr Lukašenka uu booqasho ku tagi doono Moscow

Caasimadda dalka Belarus ee Miniski waxaa isugu soo baxay tobannaan kun qof galabnimadii Axadda, kuwaasoo dhigaayay mudaaharaad ay uga soo horjeedaan madaxweynaha dalkaas Mr Lukašenka. Sida ay ku soo warrantay wakaaladda wararka ee AFP dadka mudahaaradaaks isugu soo baxay farasmagaalaha caasimadda waxaa tiradoodu ay gaareysay qiyaastii 100 000 oo qof.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa iyaduna ku soo warrantay in illaa iyo 125 qof oo ka mid ah dadkii mudahaaradkaas ka qaybqaatay xabisiga loo taxaabay.

Kahor inta aanay mudahaaradyadaas bilaaban ayaa boolisku waxaa ay isku dayeen in xiraan dhammaan waddoyinka soo gala farasmaagalaha, sidoo kale waxaa la joojiyay isu socodkii gaadiidka dadweynaha, hase yeeshee dadku lug ayay goobtii fagaaraha ku yimaadeen.

Galabnimadii Axadda ayaa afhayeen u hadlay aqalka kirimilinka ee looga arrimiyo dalka Ruushka wuxuu sheegay, in madaxweynaha Belarus Aljaksandr Lukašenka uu u safri doono dalka Ruushka maalmaha fodda nagu soo haya, si uu ula kulmo madaxweynaha Ruushka Putin.

Sida ay warbaahinta Ruushku sheegeen labada dal waxaa ay ka wada xaajoon doonaan xaaladda dalka Belarus iyo qalaalasaha siyaasadeed ee halkaas ka aloosan, iyo sidoo kale sii xoojinta wadashaqayntooda.

Madaxweynaha Ruusha Putin ayaa Khamiistii sheegay in dalkiisu uu diyaariyay ciidamo ammaanka ah oo haddii loo baahdo loo diro dalka Belarus si ay u soo celiyaan kaladambeyntii iyo nidaamkii ka jiray dalkaas.

Dalalka ku bahoobay ururuka Midowga Yurub ayaa dhaleeceyn xoog leh u soo jeediyay sida ay ciidamada dalkaas ula dhaqmeen dadka mudaaharaadka dhigaayay, iyo waliba qaabka aan wanaagsaneyn ee warfidiyeennada caalamka ee halkaas joogay bahdilka loogu gaystay.

Mudaaharaadyadaas ka taagan Belarus ayaa bilowday kaddib markii madaxweynaha talada maroorsaday ee mudada aadka u dheer ka talinaayay Belarus Aljaksandr Lukašenka, saddex toddobaad kahor lagu dhawaaqay inuu ku guuleysatay 80% codadka doorashooyinkii madaxweynaha ee dalkaas ka dhacay. Sida ay wadamada reer galbeedku sheegeen dorashooyinkaasi waxaa ay ahaayeen kuwo aan xalaal ahayn.

Lukašenka waxaa uu dalkaas Belarus madaxweyne ka ahaa tan iyo laga soo bilaabo 1994. Waxaana da’diisu ay imiinka tahay 66 sano jir.

Isha Warka / Wargeyska Helsinki