Ra’isul wasaraha Finland Sanna Marin: ”Tirada feyruska korona ee soo baxaysa waa mid welwel leh, islamarkaana ay tahay in la joojiyo”.

Ra’iisul wasaaraha dalkan Finland Sanna Marin oo ka qaybgalaysay shirka golaha wasiirada uga socda guriga Säätytalo, ayaa shegtay in welwel xoog leh uu ku hayo arrinka ku saabsan wararka feyruska korona ee dalkaan Finland iyo sida uu maalmahaan dambe u sii faafayo.

Dalkan Finland waxaa maanta oo Arbaca ah la sheegay in feyruska laga helay 93 qof.

”Tiradaasi waa mid welwel ah, ayna tahay in la joojiyo”, ayay tiri Sanna Marin.

Ra’iisulwasaaruhu waxaa ay sheegtay in ay waajib tahay in arrinkaa si dhab ah loo qaato, waana in dalkaan Finland laga qaado tillaabo siyaasadeed oo mas’uuliyadi ku dheehan tahay oo lagula dhaqmaayo feyruska korona. Waana sababtaas ayay tiri Sanna Marin, in xaaladda Finland ay aad uga fiicneyd xaaladaha dalalka kale ee xubnaha ka ah ururka Midowga Yurub.

Waxaana Sanna Marin ay sheegtay in haatan lagu guda jiro sidii sare loogu qaadi lahaa awoodda baarista saamiga feyruska korona, iyadoo bay tiri Isbitaalka jaamacadda Helsinki HUS ay qorshaynayaan sidii arrinkaas uu u hirgali lahaa.

Ra’iisulwasaaruhu waxaa ay farriin u dirtay ardayda jaamacadaha, waxaana ay tiri ” hadda waa xilligii la is xakamayn lahaa”. Sida ay ra’iisulwasaaraha la tahay xilligaan ma ahan waqti la qabanqaabiyo wax xaflado waaweyn ah.

Isha warka / HS