Hay’adda THL ayaa sheegtay in 8 qof oo hor leh ay dalkan Finland u dhinteen feyruska korona

Sida ay sheegtay goor dhoweyd hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga ee Finland THL, waxaa maanta dalkaan Finland u dhintey feyruska korona 8 qof oo hor leh. Tirada guud ee u dhimatay feyruska korona tan iyo markii uu xanuunkan safmarka ah ka bilowday Finland ayaa noqonaysa 610 qof.

Tirada daryeelka isbitaalka ugu jirta xanuunka awgiis ayaa haatan ah 150 qof, kuwaasoo 28 ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah.

Xigasho: YLE