Wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dr. Cumar Cali Rooble ayaa ka qaybgalay kulan uu soo qabanqaabiyay Ururka Midnimada Ummadda Soomaaliyeed ee dalka Finland (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Dr. Cumar Cali Rooble oo booqasho shaqo ku joogay Finland ayaa ka qaybgalay kulan uu ugu xog-warramayay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Finland.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qaybgalay qaar kamid ah Culimada, waxgaradka, aqoonyahanka, ganacsatada, dhallinyarada, siyaasiyiinta iyo Haweenka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkan Finland.

Guddoomiyaha Ururka Midnimada Soomaaliyeed  Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Cabsiiye, Guddoomiye ku xigeenka Ururka Midnimada Soomaaliyeed Cabdulraxmaan Cabdi Raage (Yaaska) iyo Guddoomiyaha Golaha Guud ee Ururka Jaaliyadda Soomaaliyeed Maxamed Cabdi Alifleey oo ku hadlayay magaca Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland ayaa wasiirka ku soo dhoweeyay Xarunta Jaaliyadda oo ku taal magaalada Helsinki, Finland.

Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Finland oo aad u danaynaysay in ay wax ka ogaadaan waxqabadka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa wasiirka ka dhegeystay warbixin ku saabsan Hawlaha ay Wasaaraddiisu ummadda Soomaaliyeed u qabato, waxyaabaha u hirgalay intii uu Xilkan hayay iyo weliba guud ahaan xaaladda siyaasadeed ee dalka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa dhanka kale Soomaalida Finland u jeediyay Muxaadaro Diini ah oo si gaar ah u quseysay dadka muuqaalka xun Diinta Islaamka ka bixiya, Dhiigga iyo Maalka Muslimiintana bannaysta.

Wasiirka oo dhanka kale Finland kula kulmay Wasiirro iyo madax kale oo dowladda Finland ka tirsan ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland ku dhaqan ugu bishaareeyay in ka sokow iskaashiga labada dowladood u dhexeeya, uu dowladda Finland kala hadlay baahiyaha qaar ee ay Soomaalida Finland deggan qabto iyo in dalkan Finland laga furi doono Xafiis ay Dowladda Soomaaliya leedahay oo u adeegaya Jaaliyadda Soomaalida ee Finland.

Xafiiska ayaan dhanka kale ka shaqayn doono horumarinta xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Finland.

Waxaa xusid mudan in dowladda Finland ay ka mid tahay dowladaha Soomaaliya ka gacansiiya dib u habaynta Hay’adaha dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka shaqeeyay horumarinta bulshada, dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka iyo amniga.

Wasiirka ayaa ugu dambayntii bogaadiyay isku-duubnida iyo dadaalka ay Soomaalida Finland ku dhaqan muujisay, marka la barbardhigo jaaliyadaha kale. Wuxuu sidoo kale wasiirku Jaaliyadda ku booriyay in carruurta iyo jiilka soo koraya ee Finland ku nool xilliyada fasaxa dalka dib loogu soo celiyo, si ay u soo bartaan una soo arkaan halka uu asalkoodu ka soo jeedo.

Soomaalida Finland ku dhaqan oo lagu qiyaaso tiro waxyar ka badan 20,000 oo qofood ayaa dalkan soo degay horraantii sagaashamaadkii, xilligaas oo ay dowladdii dhexe ee Soomaaliya burburtay. Laamaha Siyaasadda, Ganacsiga, Shaqooyinka la xiriira daryeelka iyo addeegga bulshada, Waxbarashada, daryeelka caafimaadka iyo gaadiidkaba waxaad ka heleysaa dad Soomaaliyeed oo ka shaqaynaya.

Waxaan dhowaan soo gudbin doontaa warbixin maqal iyo muuqaal ah oo ku saabsan socdaalka shaqo ee uu Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya Dr. Cumar Cali Rooble ku yimid Finland.

HALKAN KA DAAWO SAWIRADA BARNAAMIJKA OO DHAMEYSTIRAN

SSMV https://www.suomensomalimedia.fi