Madal furan oo looga hadlayay xaaladda dhallinyarada Bariga Helsinki oo Suuqa PUHOS lagu qabtay (Warbixin iyo Sawirro)

Helsinki 10.7.2020- Madashan oo ay soo qabanqaabisay magaalada Helsinki gaar ahaan waaxda qaabilsan hawlaha dhallinyarada ayaa waxaa furay madaxa sare ee adeegyada dhallinyarada ee magaalada Helsinki Mikko Vatka .

Waxaa kale oo madasha ka hadlay Harri Soininen oo ka socday booliska kahortagga dembiyada ee bulshada la shaqeeya, imaam Cabdifitaax Marka, Siyaasi Axmed Xassan (Axmed Towxiid), Siciid Kaarshe iyo dad kale oo bulshada Soomaalida dhexdeeda magac ku leh.

Dadka meesha ka hadlay ayaa waxay dhammaantood ku baaqeen in wadajir wax looga qabto xaaladda welwelka leh ee haatan ka jirta Bariga Helsinki iyo guud ahaan deegaannada kale ee Helsinki.

Waxyaabaha meesha lagu soo bandhigay ayaa waxay ahaayeen xaaladda dhallinyrada Bariga Helsinki iyo sida wax looga qaban karo ififaalooyinka aan wanaagsanayn ee waayadan dambe ka soo muuqanayay dhallinyarada ku dhaqan guud ahaan Helsinki gaar ahaan deegaanka Bariga Helsinki dhaca.

Shiikh Cabdifitaax Marka oo ka mid ah culumaa’uddiinka Helsinki ayaa madasha ka soo jeediyay wacdi diini ah oo qeexayay waajibka waalidka ka saaran carruurtooda iyo bulshada ay la noolyihiin.

Shiikhu wuxuu si gaar ah farta ugu fiiqay doorka aabayaasha oo uu saluug ka muujiyay, maadaama ay aabayaal badan faaja-faajood iyo fadhi-ku-dirir wakhtiga ku dhammeeyaan, halkii ay reerkooda wax la qaban lahaayeen.

Siyaasi Axmed Towxiid ayaa dhankiisa sheegay in mukhaadaraadku uu mushkilad ku yahay da’yarta, sidaas darteedna loo baahanyahay in si wanaagsan loo wajaho qaabka dhallinyarada looga wacyigelinayo dhibaatada baaxadda leh ee uu maandooriyuhu leeyahay.

Axmed wuxuu sidoo kale sheegay in guddi isxilqaalmay ay hadda ka jiraan Bariga Helsinki, guddigaas oo u istaagay in ay inta karaankooda ah wax ka qabtaan mushkiladdan da’yarta haysata.

Hooyooyinkii meesha ka hadlay ayaa waxay dhankooda sheegeen in qaabkii hore ee aan carruurta u barbaarin jirnay oo ahaa in caloosha loo buuxiyo, dhar nadiif ah loo geliyo meel uu seexdana loo diyaariyo aanay hadda ku filnayn.

Hooyooyinku waxay sheegeen in la joogo wakhtigii habka barbaarinta carruurta lagu biirin lahaa arrimaha ay ka midka yihiin: in cunugga guriga lagula sheekeysto, aragtidiisa la dhegeysto, la tixgeliyo, la dhiirrigeliyo, talo la siiyo lalana tashado iyo lala socdo meelaha uu tago iyo dadka uu la socdo.

Dhallinyarada maandooriyaha iibisa ama isticmaasha iyo kuwa rabshadaha qorshaysan ka qaybqaata ayaa muddooyinkan ku soo batay magaalada Helsinki iyo magaalooyinka kale ee la ood-wadaagta ah.