Muxaadaro aad u qiimo badan oo ku saabsan Aragtida ay Diinta Islaamku ka qabto waajibaadka iyo xuquuqaha ay waalidku isku leeyihiin marka ay kala tagaan kaddib ayaa lagu qabtay Xarunta Islaamka ee Helsinki (Masjidka Pasila)

Muxaadaro Pasila-Sugulle Kuva: SSMV

Muxaadarada oo qayb ka ah Mashruuca Savior ayaa waxaa ugu horreyn ka hadlay Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland Mohamed Abdirahman Absiye. Guddoomiyaha oo ka warbixiyay ujeedka Mashruuca ayaa sheegay, in mashruucan loogu talaggalay in lagu caawiyo waalidiinta ay la soo deristo marxalad furriin ama kala tag.

SSL-Pasila- Savior
Kuva SSMV

Shiikha Abdirazak Sugulle oo ka sokow diinta Islaamka ku xeeldheer arrimaha bulshada wax badanna ka og xaaladda dhaqan-dhaqaale ee Soomaalida Finland ayaa ka hadlay ahmiyadda ay leedahay in qoysku uu dhisnaado.

Mashruuca Savior-Sugulle-Pasila

Haddii ay dhacdo in labada waalid ay kala tagaan sabab kastaba ha keentee ayuu Shiikh Sugulle sheegay, in aan lagammaarmin, in labada waalid ay si deggan, diinta Islaamku oggoshahay, hufan oo ay danta carruurtu ku jirto u wajahaan xaaladda isbeddel ee dhismaha qoyskooda ku timaada.

Furriinka ka timd labada waalidba waxay leeyihiin xuquuq iyo waajibaadyo ka dhalanaya carruurta ka dhexeysa, sidaas darteed ayuu sheekhu ku taliyay, in wax kasta laga hormariyo danta carruurta.

SSL-Pasila- Savior-Mahamed Ahmed bashir
Kuva SSMV

Maxamad Axmed Bashiir iyo Erasmus Häggblom oo ah mas’uuliyiinta mashruuca Savior ayaa iyaguna si faahfaahsan uga warbixiyay waxqabadka, jadwalka iyo qorshayaasha mashruuca. Labadan mas’uul ayaa hoosta ka xarriiqay in si guud iyo si gaar ahba loola soo xiriiro karo mashruuca xilliyada shaqada iyo weliba xilliyada ka baxsan saacadaha shaqada.

Waaxda Suluxa ee Maamulka Masjidka Pasila oo uu guddoomiye u yahay Ustaad Mahdi Aadan oo ku hadlayay magaca Maamulka Masjidka ayaa sheegay, in waxqabadkoodu uu is-xilqaan ku dhisanyahay, balse ay lafaguraan cabasho kasta ee soo gaarta. Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray, in ugu yaraan tobaneeye kiis ay sannadkii qabtaan.

Yleisö-SSL-Pasila- Savior
Kuva SSMV

Ka qaybgalayaasha muxaadarada ayaa fikrad wadaag iyo dood furan ka yeeshan mowduuca ay muxaadaradu ku saabsanayd. Doodda ayaa waxaa ka soo baxay talooyin muhiim ah oo mudan in mashruuca lagu soo kordhiyo.

Mashruuca oo illaa iyo sanndka 2024 socon doona ayaa waxqabadyadiisa ku qabanaya/bandhigaya ka sokow xarunta jaaliyadda Soomaalida Finland, markasyada Soomaalida ee Finland.

SSMV