Diyaaradihii ka imaanaayay magaalada Skopje oo la joojiyay- Waa maxay sababta loo joojiyay?

28.8.2020- Waasaradda gaadiidka iyo isgaarsiinta dalkan Finland Traficom ayaa joojisay diyaaradihii isaga dhex gooshayay magaalada Skopje ee caasimadda Waqooyiga Makedooniya iyo magaalada Turku ee dalkan Finland laga bilaabo maanta oo Jimca ah kuna beegan 28.8.2020 illaa iyo muddo laba toddobaad ah.

Hay’adda Tarficom waxaa ay ka codsatay Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) in ay u diyaariso qoraal ku saabsan diyaaradaha ka imaanaayay Skopje. THL waxaa ay qoraalkeeda ku sheegeysaa, in diyaaradahaas la soo tilmaamay ay si aan caadi aheyn u sideen dad badan oo faafinaya feyruska korona.

Sida warbixinta qoraalka ah lagu sheegay joojintu waa habka ugu saxsan ee looga hortagi karo khatarta guud ee faafinta cudurada safmarka ah ee dhakhsaha ku faafa. Diyaaradahaas Skopje waxaa ay dhammaadkii xagaaga sideen oo keeneen dalkan Finland illaa iyo 60 qof oo qaba feyruska korona.

Waxaa kaloo intaa dheer in Wasaaradda gaadiidka iyo isgaarsiintu ay diyaarineyso sharciyo dhowra oo wada socda, kuwaasoo wasaaradda xaq u siinaaya in ay fiiro gaar ah u yeelato arrinka la xiriira ammaanka gaadiidka dadweynaha.

Dawladda ayaa soo bandhigtay in Traficom ay xaq u leedahay joojinta socodka tareennada ama xayiraad ku soo rogistooda, haddii ay timaaddo xaalad khatar ah oo dhibaato gelin karta xilliyada caadiga ah, sida dhibaatada aan caadiga aheyn ee uu feyruska korona keenay oo kale.

Hadafka la doonayo in la gaarana waa in sharciyadaas ay dhaqangalaan bilowga sannadka soo socda.

Isha warka: YLE

Abdirizak Sugulle