Howlaha Ururrada diiniga ah oo la doonaayo in lagu soo daro sharciga cudurrada faafa

Saladdii ciidda ee Espoo MAsjidka Al-nuur (Espoon Islamilainen Yhdyskunta)

Sharciga cudurrada faafa ayaa la doonayaa in lagu dabaqo ururrada diiniga iyo goobaha cibaadada lagu sameeyo. Xillligaan haatan ah ururrada diiniga ah iyaga ayaa go’aan ka gaari kara arrimaha ku saabsan xadeynta inta qof ee isugu imaan karta goobaha cibaadada, waayo dastuurka dalka ayaa wuxuu damaanad u yahay xorriyadda diimaha.

Wasaaradda arrimaha bulshada iyo caafimaadka ayaa waxay baarlamaanka u gudbisay talosoojeedintooda ku saabsan wax kabeddelista sharciga cudurrada faafa, si ay u suurtaggasho in howlaha xadeynta ah ee lagu xakamayenaayo kahortagga feyruska loo isticmaalo si ballaaran, iyadoo aanay jirin waxyaabo gaar ah oo ka baxsan awooddaas.

Wasiirka Sayniska iyo dhaqanka Annika Saarikko ayaa waxaa ay sheegtay, in ay damacsan tahay in ay isugu yeerto wakiillada ururrada diiniga ah, si ay ugala xaajooto dib u cusbooneysiinta sharcigaas iyo suurtaggalnimada ah in sharcigaas lagu dabaqo ururrada diiniga ah iyo goobaha cibaadada.   Waxaana ay wasiiraddu sheegtay in inta ugu badan ururrada diiniga ah iyo masaajiddu ay howlihii looga hortagaayay feyruska korona xilligii gu’ga ee la so dhaafay, ay u qabteen si mas’uuliyad ku dheehan tahay oo ku dayasho mudan.

Waxaa jirta haatan in maamul goboleedyadu ay gaareen go’aanno lagu xadeynaayo tirada inta qof ee halkii mar kulmi karta, go’aamadaasina ma qabanayaan ururrada diiniga ah iyo goobaha cibaadada. Arrinkan waxaa si gaar ah u soo kiciyay ka doodistiisa, kaddib markii kaniisad ku taalla magaalada Jyväskylä ay qabanqaabisay munsaabad diini ah, taasoo sababtay in ay feyruska u nuglaaden dad tiradoodu gaareyso 700 oo qof, oo la geliyay karantiil.

Sida dastuurku uu dhigaayo sharciga xorriyadda diimaha ayaa u oggolaanaya ururrada diiniga ah in ay xorriyad buuxda u leeyihiin sameynta cibaadooda. Gu’gii la soo dhaafay markii uu sida xoogga leh uga dillaacay xanuunka safmarka ee korona dalkaan Finland, oo ay dowladdu gelsiay dalka xukunkii degdegga ahaa, ayaa ururrada diiniga ee islaamka iyo masaajidda intooda badan waxaa ay u hoggaansameen amarradii ka soo baxday xukuumadda, waloow aanay si toos ah u khuseynin iyaga. Hase yeeshee si ummadda caafimaadkeeda loo ilaaliyo, islamarkaana looga qaybqaato dadaalka ay howlwadeennada dowladdu ugu jireen ka hortagga feyruska korona, ayay masaajidu go’aan ku gaarenen in la xiro goobaha cibaadada.