Munaasabad lagu daah-furayay buugga DANJIRE ee uu qoray Danjire MAXAMED CALI NUUR (Americo) oo lagu qabtay Helsinki, Finland

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu daah-furayay buugga Danjire ee uu qoray Danjire Maxamed Cali Nuur (Americo) islamarkaasna lagu soo dhoweynayay Danjiraha ayaa lagu qabtay 18.9.2021 magaalada Helsinki, gaar ahaan Xarunta Ururka Midnimada Soomaaliyeed ee Finland (Suomen somalialaisten liitto).

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qaybgalay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland, madaxda Jaaliyadda, siyaasiyiinta iyo hal-doorka Soomaaliyeed ee saamaynta ku leh Bulshada Soomaalida ah ee ku dhaqan Finland.

Danjire Maxamed Cali Nuur oo munaasabadda ka hadlay ayaa sharraxaad ka bixiyay waxyaabaha ku dhiiriggeliyay in uu buuggan qoro, taariikhda uu qoraalka buuggu soo maray, yaraantiisi, waxbarashadiisi iyo waalidiintiisi, waayihiisi diblumaasiyadeed, dhibaatooyinka soo marayay xiliyadi dagaallada sokeeye ee dalka ka dhacay.

Waxaa si gaar ah dadka u soo jiidatay hadalkii uu Danjire Maxamed Cali Americo ka yiri dilkii loo geystay gabdhiisi sabiga ahayd ee Yaasmiin Maxamed Cali. Danjiraha ayaa sheegay in qofkii dilkaas geystay uu iska cafiyay halkii colaad uga qaadi lahaa ama uu uga gaarsan lahaa.

Dhaqaalaha buuggan ka soo xaroodo ayuu Danjiruhu sheegay in loo weecinayo Mu’asasada Yasmin (Yasmin Foundation) oo waxbarashada, adeegyada bulshada iyo taageerada dadka tabaalaysan wax ka qabata.

Ogeysiis: Maadaama ay dhammaad yihiin nuqullada buugga ee Finland soo gaaray ayaa waxaa Soomaalida Finland deggan ee doonaysa in ay buugga iibsadaan dib looga soo sheegayaa goobta iyo qofka ay kala xiriiri doonaan helitaanka buugga DANJIRE.Dhammaad

SSMV