8 368 qof oo uu ku dhacay feyruska korona iyo 28 xaalad oo dhimasho cusub ah

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Khamiis 20.1.2022. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in  maanta  laga helay feyruska korona  8 368 oo qof oo hor leh dalkaan Finland. Toddobaadka labaad ee bishaan Janaayo waxaa laga helay 55 500 oo qof oo qaba korona, halka toddobaadkii ka horreeyay laga helay 66 000 oo qof. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 416 079 qof.

Faafista cudurka ee ugu weyn waxaa laga helay Gobolka Uusimaa ee caasimadda Helsinki iyo nawaaxigeeda, taasoo tirada laga helay aay noqotay 3 300 oo qof. Gobolka labaad ee tirada ugu badan ee korona laga helay waa gobolka Pirkanmaa oo laga helay in ka badan 700 oo qof.

Isbitaalka waxaa haatan xanuunka feyruska korona awgiis ugu jira tiro gaaraysa 654 bukaan, qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 64 bukaan ah. Tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 1 790 oo qof, waxaana ay hay’adda THL sheegtay in xaaladaha dhimashada ee cusub ay gaarayso 28 qof oo hor leh.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in  xaaladda tallaalka ay tahay sidatan soo socota:

  1. Talaalka qaybta koowaad waxaa qaatay 4,23 milyan qof , taasoo u dhiganta 88%
  2. Tallaalka qaybta labaad waxaa qaadatay 4,05 milyan qof, taaso u dhiganta 85%
  3. Qaybta saddexaad ee tallaalka waxaa qaadatay 1,97 milyan qof, taasoo u dhiganta 41%.
  • Dowladdu waxaa ay Talaadadii la soo dhaafay go’aamisay in la sii wado xadaymaha haatan jira, iyo talosoojeedinnada iyaga la xiriira illaa iyo kalabarka bisha Feberaayo.
  • Isticmaalka baasaboorka korona waa la joojiyay 30.12.2021-31.1.2022, taasoo loola jeedo in aan loo istimaali karin xadaymaha si looga gudbo. Dowladdu waxaa ay mustaqbalka dhow diyaarinaysaa istcimaalka ballaaran ee suuraggalka ah ee baasaboorka korona.
  • Feyruska Omikron waxaa laga helay magaalada Peking ee u diyaargaroobaysay ciyaaraha olombiga ee xilliga qaboobaha

Xigasho: Yle, HS, MTV3