Magaalada Helsinki oo dadka ajaanibta ah u furtay khad dhanka telefoonka ah oo ku saabsan ka talosiinta arrimaha korona

Magaalada Helsinki ayaa horraantii bishan Feberaayo furtay khad dhanka telefoonka ah oo dadka ajaanibta ah lagu siinaayo talooyinka la xiriira feyruska korona. Waxaa macaamiishu ay telefoonkaas weydiin karaan talosiinta la xiriirta sida la isga ilaalin karo feyruska korona, qaadista ama baarista saamiga korona iyo arrimaha tallaalka, waxaana talosiintaas ay ku bixi doonta luqadaha soomaaliga iyo carabiga.

Telefoonka waxaa ka jawaabi doona talosiiyayaal soomaali iyo carabi ah, kuwaasoo ka shaqeeya barta talsoiinta ee magaalada Helsinki, ee ka midka ah qaybta maluumaadka ee magaalada.

Telefoonkaas oo lambarkiisu yahay: 09 310 10011, waxaana uu macaamiisha u adeegi doonaa Isniinta-Jimcaha saacadaha u dhexeeya 9-12.