Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Korona ee Finland

Novel Coronvirus Update. Photo: WHO

(Uusimmat tiedot korontilanteesta Suomessa somaliksi)
7.6.2020, 17.56 saac (Wakhtiga Helsinki) Finland
Guud ahaan dalka Finland lagama diiwaangelin wax kiis ah oo cusub.

Tirada guud ee kiisaska fayruska Korona ee baaritaanka shaybaarka lagu xaqiijiyay maanta waa 6981.
Tiradii shalay waxaa ku korortay 17 kiis.

Waxaa isbitaalka lagu dabiibayaa 34(2 kiis ayaa tiradii shalay ku korartay) qofood halka qaybta gargaarka degegga ah ay ku jiraan 6 qofood (1 kiis ayeey tiradii hoos uga dhacday).

Illaa iyo hadda waxaa la diiwaangeliyay 323 qofood (1 kiis ayaa tiradii shalay ku kordhay) oo fayruska Korona u geeriyootay.

Hay’adda Caafimaadka iyo nololwanaagga Finland (THL) waxay sheegtay in kiisaska Korona ee ugu badan laga helay Helsinki marka la barbardhigo magaalooyinka kale waxaana magalaada deggan 2657 (8 kiis ayaa tiradii shalay ku korortay) qofood oo laga helay fayruska Korona.

Xigasho: YLE/THL