Bah-wadaagta lacagta Yuurada oo Guddoomiye cusub u doortay Paschal Donohoe, wasiirka maaliyada Ireland

Helsinki 9.7.2020- Dawlahada isticmaala Lacagta Yuuro  (EURO) ayaa waxay shirkooda maanta dhacay ku doorteen in uu guddoomiye u noqdo wasiirka maaliyadda Ireland Paschal Donohoe.

Xilkan oo ay sidoo kale waxaa u sharraxnaa wasiirrada maaliyada dalalka Isbayn iyo Luxembourg. waxaana  wareeggi labaad ee codbixinta ku guulaystay Paschal Donohoe, wasiirka maaliyadda.

Guddoonka waddamada wadaaga lacagta Yuurada ayaa waxaa horay u hayay wasiirka maaliyadda Boortaqiiska.

Muddo-xileedka Guddoomiyaha bah-wadaagta Yuuro ayaa ah labo sano iyo bar, hawsha ugu badan ee uu qabtaana waa isu-duwidda dhaqaalaha dalalka isticmaala lacagta Yuurada.

Shirka maanta lagu doortay Guddoomiyaha dalalka lacagta Yuurada isticmaala ayaa waxaa Finland uga qaybgalay khadka maqal-aragga wasiirka maaliyadda Matti Vanhanen.

Lacagta Yuurada (€) ayaa waxaa si rasmi ah looga isticmaalaa: Awsteriya, Giriigga, Biljamka, Bortaqiiska, Faransiiska, Finland, Holland, Ireland, Isbayn, Islofaakiya, Islofeeniya, Istooniya, Jarmalka, Khubrus, Latvia, Lituweeniya, Luxemburg, Malta iyo Talyaaniga,

Xigasho: Yle

Sawirka: Helsingin Sanomat