Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dunidu u qaybsantahay qolo nafaqo darro dillootay iyo qolo dhereg la jirran

Helsinki 13.7.2020- QM ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in sannadkan sagaalkii qofood ee dunida ku nool uu hal qof gaajo la ildaranyahay.

Abaaro, roobab mahiigaan ah dhacdooyinka kale ee bey’ada oo sii xoogaysanaya ayaa waxay sare u qaadeen qiimaha cuntada ee dunida, taasina waxay dadka dunida ugu nugul ka dhigtay kuwa aan iibsan karin cuntada qaaliyowday.

Dhinaca kale cuntada halka nuuc ah ee aan caafimaad ahaan wanaagsaneyn ayaa waxay kordhisay miisaanka dadka cuna waxayna sababtay dhibaatooyin caafimaad.

Warbixintan QM ayaa lagu sheegay in safmarka Koronaha kahor ay gaajadu dunida ka sii yaraanaysay. Diyaarinta warbixintan oo ay ka qaybqaateen shan urur oo QM ka tirsan ayaa iyadoo ka sii hadlaysa xaaladda gaajada dunida waxay sheegtay in 690 malyan oo qofood oo u dhiganta 8,9% dadka dunida ku nool ay hadda gaajo la tacaalayaan.

Saadaal ay QM samaysay ayaa muujinaysa in laga baqayo in sannadka 2030 ay 890 malyan oo qofood gaajoon doonaan.

Caruurta dunida uu cayilan waxay ku nool yihiin Aasiya

Aasiyada Galbeed iyo Afrikada dhacda dhinaca Galbeed ee Saxara ayaa waxaa laga soo sheegaa dhibaato dhinaca miisaanka ama cayilka ah. Sababta cayilka keentay ayaa lagu sheegay in ay tahay in cuntada ay carruurtu deegaannadan ku heystaan ay tahay mid ku filan, laakiin aan nafaqo ahaan isu-dheellitirnayn.

45% carruurta cayilan ee dunida ku nool waxay ku nool yihiin Aasiaya. Cuntada ay carruurtan cunaan ayaa la soo sheegayaa in ay miisaanka kordhinayso dhibaatooyin caafimaadna ay keenayso. Taas beddelkeeda waxaa dunida ku badan dadka gaajada la nool oo aan xittaa heli karin maalintii hal gelin wixi ay cuni lahaayeen.

Isha Wararka: REUTERS, AFP

Sawirka: Yle