Xildhibaan Suldaan Said Ahmed oo soojeediyay in Finland laga aasaaso bangi ku habboon habraaca maalgelinta Diinta Islaamka

Kuva- Vitali Gusatinksy

Qoraal rasmi ah oo uu maanta soo saaray Xildhibaan Suldaan Said Ahmed oo ka tirsan Baarlamaanka Finland ayuu ku dalbaday in Finland lagu soo kordhiyo adeeg bangi oo la jaanqaada habraaca maaliyadeed ee Diinta Islaamka.

Qoraalkan rasmiga ah ee uu xildhibaanku soo saaray oo warbaahinta loo qaybiyay ayaa noqday kan looga hadal-haynta badan maanta guud ahaan warbaahinta Finland.

Muslimiinta Finland ayaa waxaa ku adag in ay deyn ka qaataan bangiyada Finland, maadaama ay bangiyadu deynta laga qaato saaraan dulsaar (riba), sababtaas darteed ayuu xildhibaanku ku doodayaa in la joogo xilligii Finland laga heli lahaa bangiyo bixiya adeegyada maaliyeed ee diinta Islaamka waafaqsan.

Maadaama ay adeegyada maalgelinta bangiyada ee Muslimiinta ku habboon ka maqan yihiin Finland, ayaa waxaa meesha ku jirta sida uu Xildhibaan Suldaan sheegay, in dad badan ay haatan ku jiraan xaalad aanay dadka kale la sinnayn.

MP Suldaan ayaa sidoo kale sheegay, in dalal badan oo reer Galbeed ah iyo kuwa isticmaala lacagta wadaagga ah ee Yuurada (Euro) ay leeyihiin bangiyo ku shaqeeya habraaca Diinta Islaamka. Dalalka ay bangiyadaas ka shaqeeyaan ayaa waxaa kamid ah Ingiriiska iyo Jarmalka.

MP Suldaan ayaa sheegay in qaadashada deynta oo adkaata ay keeni karto marka meel fog laga eego, sinnaan la’aan dhaqaale kaddib marka ay dadka Muslimiinta ah deganaadaan guryo kiro ah halkii ay guryo ka iibsan lahaayeen, xittaa iyagoo heysta fursad dhaqaale oo ay guryo ku iibsan karaan.

Mudane MP Suldaan Said Ahmed ayaa dalbaday, in dhibataadaas la xalliyo inta lagu jiro muddo-xileedka baarlamaanka haatan doorashadiisa loo dareeray.

Waxaa xusid mudan, in Xildhibaan Suldaan Said Ahmed uu intii uu baarlamaanka ka tirsanaa qaaday tallaabooyin ay Muslimiintu ku diirsadaan. MP Suldaan Said Ahmed ayaa sidoo kale noqday xildhibaankii ugu qoraallada badnaa baarlamaanka muddo-xileedkiisu sii dhammaanayo.

Bulshada Muslimiinta ah ee Finland ku dhaqan iyo dhallinyarada Finland ayaa aad ula dhacday siyaasadda xog-ogaalnimada iyo diir-naxa ku salaysan ee MP Suldaan. MP Suldaan ayaa haatan u sharraxan markale baarlamaanka Finland wuxuuna ballanqaaday in haddii uu baarlamaanka markale galo uu sii dhammaystiri doono hawlo badan oo qabyo ka ah, sida danta uu maanta ka hadlay ee Bangiyada Diinta Islaamka ku shaqeeya.

SSMV