Madaxweynaha Ruushka, Putin oo ku hanjabay in jawaab degdeg ah ay siinayaan dalkii faraha la soo gala arrimaha Yukreyn

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo ka hadlayay madal loo qabanqaabiyay xildhibaannada deegaanka ee magaalada taariikhiga ah ee Saint Petersburg ayaa ku goodiyay, in ay jawaab lala fajaco siinayaan dal kasta oo faraha la soo gala arrimaha Yukreyn.

Putin ayaa intaas ku daray in ay Ruushku leeyahay qalab aanay cidi ugu faani karin, kaas oo loo qaatay in uu ula jeeday hubka sida ba’an wax u baabi’iyay ee Nukliyeerka.

Putin ayaa wacad ku maray, in Ruushku ay gaarayaan hadafka ay ka leeyihiin waxa uu ugu yeeray hawlgabka gaarka ah ee ay ciidamadiisu ka wadaan Yukreyn, kaas oo uu ula jeedo weerarka uu ku qaaday dalka Yukreyn.

Warkan oo ay qoreen warbaahinta MTV3, Reuters iyo CNN ayaa ku soo aadaya xilli reer Galbeedka iyo gaashaanbuurta Nato ay saanad ciidan ku daabulayaan dalka Yukreyn oo la daalaa-dhacaya dhibaatooyin xooggan oo ka soo gaaray weerarka Ruushka, weerarkaas oo ay sidoo kale ka dhasheen xaalad adag oo dhinaca bani’aadminimada ah iyo barakac baahsan.

Malaayiin reer Yukreyn ah ayaa dalkooda ka qaxay halka malaayiin kalana ay weli dhex-joogaan gudaha dalka Yukreyn.

Isha warka: CNN