Finland waxaa laga helay maanta 271 qof oo cusub oo qaba feyruska korona

Sabti 19.12.2020. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 271 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 32 853 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 46 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolkan Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 171 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo 87 qof laga helay, iyo Etelä-Savo oo 20 qof laga helay.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota:  Helsinki: 75 , Vantaa: 54 tartuntaa, Espoo: 28, Turku: 16, Jyväskylä: 14, Salo: 10, Pieksämäki: 7, Oulu: 6, Kaarina: 5, Raisio: 4, Tampere: 3, Naantali: 3, Pori 2 , Loimaa: 2, Kuopio: 2, Kotka: 2, Kouvola: 2, Maarianhamina: 2, Kangasniemi: 2, Vaasa: 2, Nurmijärvi: 2,  Hämeenlinna: 2 tartuntaa

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 263 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 30 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 489 qof.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

23 578 923   76 100 149
 

Tirada u dhimatay feyruska

    510 515      1  683 224

 Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
  1 Maraykanka 17,8   milyan  254 680    2 794 320 845
  2 Hindiya 10      milyan    26 991       342 145 171
  3 Baraaziil 7,16   milyan    52 385       811 185 687
  4 Ruushka 2,79   milyan    28 552       611   49 762
  5 Faransiiska 2,44   milyan    15 674       374   60 229
  6 Turkiga 1,98   milyan    26 410       246   17 610
  7 Ingiriiska 1,97   milyan    28 507       489   66 541
  8 Talyaaniga 1,92   milyan    17 992       674   67 894
  9 Spain 1,81   milyan    11 815       149   48 926
10 Arjantiin 1,53   milyan      7 002       138   41 672
11 Kolombiya 1,48   milyan     13 227       232   40 019
12 Jarmalka 1,46   milyan     31 553       838   26 003
13 Meksiko 1,28   milyan     11 799       718  116 487
14 Poland 1,18   milyan     10 992       426    24 771
15 Iiraan 1,134   milyan       7 121       178    53 273

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS