Pekka Haavisto, wasiirka arrimaha dibadda Finland oo maanta booqday Soomaaliya iyo madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud oo qaabilay

Kulanka Madaxweyne Hassan Sheikh iyo wefdiga uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha dibadda Pekka Haavisto:- xuquuqda-sawirka-Villa-Somalia

Helsinki, Mogadishu-7.4-2023- Wasiirka arrimaha dibadda Finland, Pekka Haavisto oo booqasho rasmi ah ku tegay Soomaaliya ayaa kulan la qaaday madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Abshir Omar Jama, wasiirka wasaaradda deegaanka iyo cimilada Soomaaliya, Khadija M. Almakhzoumi iyo wakiiladda beesha caalamka ee Soomaaliya jooga.

War ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Finland ayaa lagu sheegay in ajendaha uu Pekka Haavisto kala hadlay madaxda Soomaaliya ay ka mid ahaayeen dagaalka weerarka ah ee uu Ruushku ku qaaday Yukreyn, xiriirka labada dowladdood, xaaladda siyaasadda iyo ammaanka Geeska Afrika iyo arrimaha la xiriira deegaanka iyo isbeddelka cimilada.

Pekka Haavisto oo ka hadlayay kulanka uu madaxda Soomaaliya la qaatay ayaa yiri:- ”Xukuumadda Soomaaliya ee sannadkii hore la doortay waxay billowday dagaal xooggan oo aragixisada ka dhan ah waxayna sidoo kale ku dadaalaysaa sii wadista dhismaha dowladdeeda. Finland waxay Soomaaliya ka taageereysaa horumarinta dimuquraadiyadda iyo xasiloonida iyo ciribtirka faqriga. Waxaan hoggaanka dowladda gaarsiiyay farriin ah, muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay taageerto dadaalka beesha caalamka ee lagu joojinayo dagaalka weerarka ah ee uu Ruushku ku qaaday Yukreyn.”

Kulanka doceedka wasiiradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Finland, Abshir Omar Jama iyo Pekka Haavisto ayaa looga heshiiyay billaabista wada-tashi siyaasadeed oo dhexmara Soomnaaliya iyo Finland.

Pekka Haavisto ayaa sidoo kale la kulmay intii uu booqashada ku joogay Soomaaliya, dad kala duwan oo Finnish ah oo Soomaaliya ka shaqeeya. Isagoo arrintaas ka hadlayana wuxuu yiri:- ”Khubaro iyo ciidamo badan oo Finnish ah ayaa ka shaqeeya hawlgalka maareynta xaaladaha cakiran ee Qaramada Midowday iyo Midowgya Yurub ee Soomaaliya. Waxaa intaas dheer, in Qurbajoogta Soomaaliyeed ee Finland ay shaqo aad u muhiim ah ka hayaan hawlaha dib u dhiska Soomaaliya iyo horumarinta xiriirka labada dal.”

Pekka Haavisto oo la kulmay wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada Soomaaliya Khadija M. Almakhzoumi ayaa dhanka Finland halkaas ugu saxiixay dukumentiga heshiiska is-afgaradka ah e ay billowgii sannadkan kala qorteen wasaaradaha deegaanka iyo cimilada ee Finland iyo Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa albaabka u furaya wadashaqeyn iyo iskaashi toos ah oo dhexmara labada wasaaradood ee deegaanka iyo cimilada ee labada dal.

Waxaa xusid mudan, in xiriirka Soomaaliya iyo Finland uu dardar cusub la soo baxay kaddib markii bartimihii sannadkii hore ee 2022 loo magacaabay ergayga gaarka ah ee Finland u qaabilsan arrimaha nabadda iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika Xildhibaan Suldaan said Ahmed.

Diblumaasiyadda Suldaan Said Ahmed ayaa kordhisay xiriirada tooska ah ee labada dowladood iyo kaalmada bani’aadminnimo ee ay Finland Soomaaliya siin jirtay. Sidaas si lamid ah Finland ayaa xiriir firfircoon oo laba-geesood ah la samaysatay guud ahaan dalalka dhaca Geeska Afrika.

Isha warka: