Wareegga afaraad ee tallaalka Koronaha oo Finland ka billaabanaya- Yaa loo soo jiidanayaa in la siiyo tallaalkan afaraad?

Kooxda khubarada ah ee qaabilsan tallaalka Qaranka islamarkaasna hoos-tagta Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga Finland ayaa maanta oo Isniin ah kuna beegan 21.3.2022 isugu imaanaysa kulan hawleed ay ku qiimaynayaan, in tallaalka afaraad ee Koronaha la siiyo qaar kamid ah bulshada Finnishka.

Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga Finland (THL) ayaa wakhtigan hadda la joogo waxay soojeedinaysaa in tallaalka afaraad ee Koronaha la siiyo dadka uu difaaca jirkoodu aadka u liito oo kaliya.

Markku Mäkijärvi oo ah dhakhtar sare kana tirsan Aagga daryeelka bukaanka ee Helsinki iyo Uusimaa ayaa sheegay khamiistii la soo dhaafay in Korona uu haatan Finland ka jiro isagoo labo mowjadood ku socda. Dhakhtarka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in deegaannada kale ee Finland uu weli ka socdo nooca Koronaha ee Omikro loo yaqaan halka Helsinki iyo Uusimaa uu Koronaha ka billaabay haraati-dambeedkiisi.

Sida ka muuqata istaatistikada Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga Finland (THL) ee todobaadki hore, waxaa hadda isbitaallada Finland ku jiro oo Korona u jiifa tiradii ugu badnayd illaa iyo hadda ee mar-qura isbitaalka loo dhigo cudurkan tan iyo markii uu safmarkiisu billowday. Arbacdii ku beegenyd 16.3.2022 waxaa isbitaallada Korona dartiis u jiiftay 858 qofood qaybta dadka aadka u liita lagu daryeelanaya waxaa ku jirtay 38 qofood.

Inkastoo ay dadka iyo dowladduba u muuqdaan in ay la qabsadeen safmarka Koronaha oo aan sidii hore iyo si lamid ah looga qabin sas iyo baqdin, ayeey haddana khubarada caafimaadku ka digayaan xawaaraha uu cudurku ku fidayo.

Waxaa haatan tallaalka koowaad ee Koronaha qaatay in ka badan 80% dadka Finland, tallaalka labaadna waxaa qaatay ku dhowaad 78% halka tallaalka saddexaadna ay qaateen in ka badan 50% guud ahaan bulshada Finland.

Isha warkan: HS