Xarunta dhexe ee dambi baarista booliska Finland (KRP) oo sheegtay in ay aad uga welwelsan yihiin hubka sharci la’aanta loo haysto oo ku soo badanaaya dalkaan Finland

Xuquuqda Sawirka: Halgan Media

Helsinki 26.10.2022 Warbixin ay soo saartay Xarunta dhexe ee dambi baarista booliska Finland (KRP) oo maanta lagu baahiyay qalabka warbaahinta ee kala duwan ee dalkaan Finland, ayay ku sheegeen, in kooxaha burcadda waddooyinka ama haddii si kale lo dhigo ciyaal-weerada ee dalkaan Finland iyo kooxaha falal dambiyeedka mootoolayda ah ay ku soo badanayso arrinka ah haysashada hubka sharci la’aanta ah. Booliska ayaa ku tilmaamay in arrinkaas uu yahay dhibaato weyn oo dalkaan soo waajahday, aadna u sii kordhaysa.

Sarkaal sare oo ka tirsan Xarunta dhexe ee dambi baarista booliska Finland (KRP) oo magaciisa la yiraahdo Antti Hyyryläinen ayaa sheegay, in sannadihii ugu dambeeyay hubabka sharci la’aanta loo haysto ay ku soo badanayeen dalkaan Finland. Waxaaana Sarkaalku uu sheegay in hubka ugu badan ee sharci la’aanta ah ay haystaan kooxaha sameeya falal dambiyeedka, waxaa kaloo uu sheegay in arrinkaan uu yahay mid dhibaato aad u weyn ah, oo marba marka ka dambaysa ay sii kordhayso.

 Sida uu sheegay sarkaalka ka tirsan xarunta dhexe ee dambi baarista booliska Antti Hyyryläinen, hayshada hubka sharci darrada ah waxaa ay si aad ah ugu soo badanaysaa dhallinyarada burcadda waddooyinka ee asalkoodu ka soo jeedo dadka ajaanibta ah ee dalkan u soo guuray.

Taliyaha booliska gobolka Uusimaa Ilkka Koskimäen ayaa sheegay in maalmaahaan ugu dambeeyay uu arrinka ku saabsan haysashada hubka sharci la’aanta ah noqday qayb ka mid ah nololmaalmeedka caadiga ah ee dhallinyarada burcadda waddooyinka (ciyaal-weerada), inkasta oo buu yiri, wali aad ayeey u yar tahay dhanka falal dambiyeedka hubka.

Koskimäki waxaa uu sheegay in mar walba hubka lagala wareego dhallinyaradaasi, oo boolisku ay wadaan shaqada ah ka qaadista hubka.

Booliksu waxaa ay dowladda ka rajaynayaan in wax laga beddelo oo la adkeeyo sharciga haysashada hubka sharci la’aanta ah, oo laga dhigo dambi culus oo la xiriira jabinta sharciga dambiyada hubka wax lagu toogto, si markaas ay u fududaato in wax ka badan sida haatan loogu xukumo ciqaabta ah xabsiga sida tooska ah loo galaayo.

Sida haatan sharciga dalkaan uu dhigaayo dambiga haysashada hubka wax lagu toogto waa ciqaab ama ugu badnaan laba sano oo xabsi ah. Inta badanna ciqaabta xabsiga waa tan ay shuruuduhu ku xiran yihiin, ee aan qofka hore xabsiga laga dhigaynin.

Dambiga aadka u culus ee haysashada hubka wax lagu toogto, waxaa inta badan ka dhasha ciqaab xabsiyeed, taasoo ah ugu yaraan afar bilood, ugu badnaanna 4 sano oo toos xabsiga loo galaayo. Waana tan ay boolisku soo jeediyeen in laga dhigo dambigaas, si uu u yaraado haysashada hubka sharci darrada ah ee waddooyinka lala dhex socdo.

Tirakoob ay dhowaan boolisku soo saareen ayay ku sheegeen in hubka sida sharci darrada loo haysto ee soo gaaray booliska uu ahaa 1241 nooc uu hubabka kala duwan ah sannadkii 2015-kii, halka sannadkii 2020-kii ay tirada hubka sida sharci darrarada ah loo haysto ee booliska soo gaaray ay ahayd 2017.

Arrinkaan ay boolisku sheegeen ayaa ah mid welwel ku haya waalidiin badan oo ka mid ah dadka waddankaan u soo guuray ee ku nool Finland, iyadoo uu soo muuqdo ifafaalaha ah in arrinka ah isdilka ee u dhexeysay dhallinyarada ka tirsan kooxaha falal dambyeedka isaga soo horjeeda uu soo gaaray Finland. Waxaana jirtay in dhowaan la maxkamadeeyay qaar ka mid ah dhallinyarada ajaanibta ah ee ka kala tirsan kooxha burcadda waddooyinka oo iyagu isku xabbadeeyay goobo ka mid ah magaalada.

Su’aasha isweydiinta u baahan waxay tahay, maxaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Finland uga qorshaysan sidii ay isaga moosi lahaayeen ama uga hortagi lahaayeen dhibaatadan curdanka ah ee hadda u muuqata in ay soo caga dhigtay dalkaan Finland, waloow aanay si weyn u korin?. Jawaabta su’aashaas waa mid la doonayo in qof walbaa uu ka fekero, bulshaduna ay awooddeeda u mideyso sidii wax looga qaban lahaa.

Waxaa qoray/soo turjumay Ustaad Abdirizak Sugulle