Cayaaraha Kubbadda Cagta ee Somali Week 2020 oo Helsinki lagu soo gebagebeeyay

Cayaaraha Somali Week 2020 ee Finland oo Helsinki lagu soo gebagebeeyay. Sawirka: Mahad Sh. Musse Duceysane

Helsinki – Cayaaraha Kubbadda cagta ee Somali Week 2020 ayaa Helsinki lagu soo gebagebeeyay maalinimadii Axadda 21-6-2020, halkaas oo ay ku cayaareen Afar kooxood oo wareeggii kama dambeysta ahaa ku tartamayay.

Cayaaraha Somali Week 2020 oo ay cayaareen cayaartooyda caruurta 12 Jirradda iyo cayaartoyda waaweyn ayaa waxaa wareeggii ugu dambeeyay ee cayaartoyda 12 jirradda ah waxaa isku arkay Puotila iyo Mylypuro oo kala dhisan labo xaafadood oo Helsinki ka tirsan, waxaana guushu ku raacday Puotila oo ku badisay 3 gool, halka kooxda kalena ay heshay Mylypuro ay heshay 1.

Kooxaha X-7 iyo Zamalik oo cayaartii kama dambeysta ahaa isu diyaarinaya. Sawirka: Mahad Sheikh Musse

Cayaaraha kubbadda cagta ee Somali Week ayaa noqonaya markii ugu horeysay ee lagu qabto Qaaradda Yurub, gaar ahaan dalka Finland, ayna soo qaban qaabisay Ururka Sports-ka iyo Qoysaska ee loo soo gaabiyo SONPET RY.

Sidoo kale, Cayaarahan Somali Week oo ayaa maanta is-araggii ugu dambeeyay ee Finalka isugu soo baxay kooxaha Ex-7 iyo Samaalik oo ka soo kala baxay kooxaha Group A iyo Group B, oo guud ahaan tirada guud ee is wada arkay ay ahaayeen 10 kooxood. Waxaana kooxda Fc-Zamalik ku badisay 4 gool, halka kooxda kale Fc X-7 ay heshay 3 gool.

Cayaartii Final-ka ee X-7 iyo Zamalik oo la daawanayo. Koobabkan ayaa la guddoonsiin doonaa guuleystayaasha. Sawirka: Mahad Sheikh Musse.

Qabanqaabiyaha cayaaraha kubbadda cagta ee Somali Week 2020, Aweys Jago oo ah Guddoomiyaha Sports-ka Dalladda Yurub, ahna madaxa sports-iga Waddanka Finland , una qaabilsanaa isku dubaridka koobka Somali Week ayaa wareysi uu siisay Suomen Somali Media ku sheegay in Ururka Sports-ka iyo Qoysaska ee loo soo gaabiyo SONPET RY ay suurtogalisay qabashadan cayaaraha Somali Week.

“Ururkan oo horey u soo qaban qaabin jiray Koobka Ramadaanka muddo 16 sano ah, maadaama uu cudurka Coronavirus uu yimid, tartankii Ramadaanka uu hakad galay, taasna ay keentay in halkii laga qaban lahaa Koobka Ramadaanka loo bedelay Somali Week 2020, taasoo ka dhigeysa markii ugu horeysay ee laga tartan nuucan ah loo qabto cayaartoyda Soomaalida dalkan deggan.” Aweys Jago ayaa sidaa u sheegay Suomen Somali Media, isagoo intaa ku daray in ujeedka loo qabtay cayaaraha Somali Week ayaa ah in ay isugu yimaadaan dhamaan cayaartoyda, caruurta iyo qoysaskaba.

HALKAN KA DHEGEYSO WAREYSIGA OO DHAMEYSTIRAN