3 000 qof oo uu ku dhacay feyruska korona iyo 3 xaaladood oo dhimasho cusub ah

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Khamiis 23.12.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Jimcihii kaddib illaa maanta  laga helay feyruska korona  3 000 oo qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 227 169 qof.

Meelaha ugu badan ee feyruska laga helay waa gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 1 701 oo qof.

Isbitaalka waxaa haatan xanuunka feyruska korona awgiis ugu jira tiro gaaraysa 300 bukaan, qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 38 bukaan ah. Tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 1 504 oo qof, waxaana ay hay’adda THL sheegtay in Jimcihii kaddib ay u dhinteen feyruska korona 3 qof oo hor leh.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in  xaaladda tallaalka ay tahay sidatan soo socota:

  1. Talaalka qaybta koowaad waxaa qaatay 4 287 779 qof , taasoo u dhiganta 87,6%
  2. Tallaalka qaybta labaad waxaa qaadatay 4,081 milyan qof, taaso u dhiganta 83,5%
  3. Qaybta saddexaad ee tallaalka waxaa qaadatay 890 000 qof, taasoo u dhiganta 16,0%.

Dhammaan gobollada dalka waxaa la soo saaray xadaymo hor leh oo dhaqangeli doona 28.12 .2021-17.1.2022, taasoo lagu sheegay in la joojin doono dhammaanba wixii isu imaatin ah iyo goobaha isboortiga oo dhan.

Xigasho: Yle