Finland waxaa laga helay maanta 380 qof oo uu ku dhacay feyruska korona

Jimco 16.07.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 380 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 99 592 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 56 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Meelaha ugu badan ee laga helay feyruska korona sidii caadiga ahayd waa gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 235 qof, waxaa kaalinta labaad ku jira gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 36, iyo gobolka Pirkanmaa oo laga helay 26 qof, sidoo kale gobolka Päijät-Hame oo laga helay 23qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 142
Espoo 31
Vantaa 25
Turku 18
Tampere 18
Lahti 16
Rovaniemi 7
Joensuu 7
Hyvinkää 6
Kerava 6
Pöytyä 5
Jyväskylä 5
Kankaanpää 4
Lohja 4
Kuopio 4
Oulu 4
Järvenpää 4
Kirkkonummi 3
Lempäälä 3
Salo 3
Lieto 3
Kouvola 3
Kajaani 3
Sipoo 3
Hollola 3
Nurmijärvi 3
Riihimäki 3
Ylöjärvi 3
Seinäjoki 2
Orimattila 2
Porvoo 2
Tuusula 2
Tornio 2
Naantali 2

 

Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 44 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 10 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 978 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 10 241 oo qof, kuwaasoo 7 891 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska ee haatan loo bixiyay Alfa, halka 1 428 waa nooca Koonfur-Afrika oo haatan loo bixyay Beeta, Nooca Hindiga oo ah 916 oo haatan loo bixiyay Delta, iyo 6 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil, oo haatan loo bixiyay Gamma. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 15.07).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 3,5 milyan oo qof, labada tallaalba waxaa loo dhammaystiray oo qaatay ku dhawaad 1,4 milyan (16.07.).

Xigasho:YLE,HS