Finland waxaa laga helay 501 qof oo cusub oo qaba feyruska korona iyo 11 xaaladood oo dhimasho cusub ah

Jimce 11.12.2020. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 501 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 30 073 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 1400 oo qof ayaa ku darsantay, tiradii labadii toddobaad ee ka sii horraysay.

Iskudarka guud illaa iyo 77 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolkan Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 268 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo 89 qof laga helay, iyo Pirkanmaa oo laga helay 30 qof.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki (126), Vantaa (51), Espoo (49), Nurmjärvi (14), Tampere (13), Jyväskylä (13), Oulu (11), Joensuu (8), Hämeenlinna (7), Kirkkonummi (7), Kaarina (6), Valkeakoski (6), Salo-Alajärvi- Naantali- Pori- Lempäälä-Raiso- Pieksämäki (4),

Xaaladda cudurkan safmarka ah ayaa aad uga soo daraysay labadii toddobaad ee ugu dambeeyay, meelaha aadka ugu daran waa Helsinki Uusimaa, Varsinäis-Suomi, Päijät-Häme Pikanmaa, Keskis-Suomi iyo gobolka Pohijois-Pohjanmaa.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 240 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 26 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) ayaa maanta sheegtay in 11 qof oo hor ay dhinteen shalay, taasoo tirada dhimashada feyruska korona tan iyo markii uu cudurka safmarka ah ka bilowday Finland ka dhigaysa 453 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa tirada dhimashada waxaa ku soo kordhay 49 qof.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

20 338 377   70 848 104
 

Tirada u dhimatay feyruska

     465 835      1  591 266

 

Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
  1 Maraykanka 16     milyan  217 779    2 074 299 692
  2 Hindiya 9,79  milyan    34 666       487 142 222
  3 Baraaziil 6,78   milyan    53 425       769 179 801
  4 Ruushka 2,56   milyan    27 927       562   45 280
  5 Faransiiska 2,33   milyan    13 750       292   59 940
  6 Ingiriiska 1,78  milyan    20 964       516   63 082
  7 Talyaaniga 1,78   milyan    16 999       887   62 262
  8 Turkey 1,74  milyan     30 424       220   15 751
  9 Spain 1,73   milyan       4 595       325    47 344
10 Arjantiin 1,48   milyan       6 994       209    40 431
11 Kolombiya 1,39   milyan       7 778       176    38 484
12 Jarmalka 1,27   milyan     28 279       529    21 233
13 Meksiko 1,20   milyan     11 974       781   111 655
14 Poland 1,10   milyan     13 744       470     21 630
15 Iiraan 1,08   milyan     10 403       283     51 495

Xigasho: YLE,HS,WORLDOMETERS