Finland waxaa maanta laga helay feyruska korona 453 qof oo hor leh

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Finland waxaa maanta laga helay feyruska korona 453 qof oo hor leh

Arbaco 21.07.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 453 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 101 226 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 75 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Meelaha ugu badan ee laga helay feyruska korona sidii caadiga ahayd waa gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 255 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 120
Espoo 42
Vantaa 40
Turku 24
Tampere 23
Lahti 14
Kuopio 12
Raasepori 12
Jyväskylä 12
Oulu 9
Lappeenranta 8
Joensuu 8
Kerava 7
Rovaniemi 6
Kirkkonummi 6
Hyvinkää 5
Nurmijärvi 5
Lieto 4
Salo 4
Pori 4
Kajaani 4
Kotka 4
Riihimäki 4
Nokia 4
Porvoo 4
Sotkamo 3
Kauniainen 3
Ylöjärvi 3
Mikkeli 3
Hollola 3
Tuusula 2
Uusikaupunki 2
Leppävirta 2
Naantali 2
Orimattila 2
Sipoo 2
Kemiönsaari 2
Äänekoski 2
Heinola 2
Hämeenlinna 2
Mäntsälä 2
Pirkkala 2
Jämsä 2

 

Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.

 

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 56 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 10 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 978 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 10 679 oo qof, kuwaasoo 7 904 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska ee haatan loo bixiyay Alfa, halka 1 428 waa nooca Koonfur-Afrika oo haatan loo bixyay Beeta, Nooca Hindiga oo ah 1 341 oo haatan loo bixiyay Delta, iyo 6 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil, oo haatan loo bixiyay Gamma. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 21.07).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 3,6 milyan oo qof, labada tallaalba waxaa loo dhammaystiray oo qaatay ku dhawaad 1,6 milyan (21.07.).

Xigasho: YLE,HS