Xaladdii ugu dambaysay ee korona iyo Soomaaliya

Axad 07.03.2021. Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in feyruska korona laga helay 191 qof afar iyo afar iyo labaatnkii saac ee la soo dhaafay, halka 20 qofna ay u geeriyoodeen xanuunka awgiis, waxaana sida wasaaraddu ay sheegtay ka bogsaday 31 qof.

Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuurayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobollada kala ah, gobalka Banaadir (144), Somaliland (31), iyo Juba-Land (16). Bukaannada xanuunka la ildaran 112 ka mid ah waa rag, halka 79-ka kalena ay yihiin haween.

Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona dalka soomaaliya tan iyo markii cudurka safmarka ah uu ka bliowday dalka ayaa gaaraysa 8 041, waxaa illaa iyo imminka ka bogsaday tiro gaaraysa 3 932 qof. Tirada dhimashada guud ayaa sida wasaaraddu ay warbixinta ku sheegtay waxaa ay gaaraysaa 294 qof.

Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Marwo Fowziya Abiikar Nuur, ayaa mar kale ku celisay muhiimadda ay leedahay, qaadashada talooyinka caafimaad ee ay soo gudbinayaan khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinaayo khatarta uu cudurkaan feyruska korona dadka ku keeni karo, maadaama mowjaddii labaad ee cudurka ay mar kale ka bilaabatay dalka Soomaaliya.

Xigasho: Raadiyo Muqdisho