Finland waxaa laga helay maanta 400 xaaladood oo feyruska korona iyo 1 xaaladood oo dhimasho cusub ah

Talaada 23.02.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 400 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 54 532 qof. Toddobadii maalmood ee ugu dambaysay waxaa tirada faafista cudurka ay noqotay 3 485 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 65 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 219 qof, waxaa ku xiga gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 35 qof, gobolka Vaasa oo 22 qof laga helay iyo gobollada kala ah Pirkanmaa  iyo Kanta-Häme oo midkiiba laga helay 17 qof.

Magaalada Tirada faafista cudurka Magaalada Tirada faafista cudurka
Helsinki 99 Kittilä 2
Espoo 49 Rauma 2
Vantaa 37 Porvoo 2
Turku 17 Pori 2
Vaasa 17 Äänekoski 2
Oulu 13 Kirkkonummi 2
Lappeenranta 12 Salo 2
Riihimäki 10 Kangasala 2
Mikkeli 10 Taipalsaari 2
Tampere 10 Uusikaupunki 2
Maarianhamina 8 Lempäälä 1
Järvenpää 8 Lemi 1
Lahti 8 Parkano 1
Raiso 7 Vihti 1
Lieto 5 Loppi 1
Raasepori 5 Pöytyä 1
Jyväskylä 4 Kemijärvi 1
Hyvinkää 4 Loimaa 1
Tuusula 4 Suonenjoki 1
Seinäjöki 3 Ylöjärvi 1
Hämeenlinna 3 Körsnäs 1
Kolari 3 Akaa 1
Kerava 3 Mustasaari 1
Kokkola 3 Savitaipale 1
Nurmijärvi 3 Sastamala 1
Pietarsaari 3 Petäjävesi 1
Kotka 2 Ilmajoki 1
Forssa 2 Rovaniemi 1
Kurikka 2 Hausjärvi 1
Huittinen 1 Kauhajoki 1  
Mäntsälä 1 Liminka 1  
Pornainen 1 Pello 1  
Pukkila 1      

 

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 186 qof tiradaasoo 16 qof ka badan intii daryeelka isbitaalka ku jirtay Isniintii, taasoo macnaheedu yahay in toddobo maalmood gudahood ay ku darsantay 34 qof, waxaana ku darsantay isniintii kaddib 4 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 734 qof, kaddib dhimashada 1 qof oo cusub oo ay sheegtay maanta hay’adda THL.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 569 qof, kuwaasoo 543 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 25-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 ah nooca cusub ee Baraaziil.

Dowladdu waxaa ay soo saartay saddex heer oo kala duwan oo feyruska cusub ee korona xaaladdiisa la xiriirta, si looga hortago faafistiisa. Finland waxaa ay haatan ku jirtaa heerka 1-aad. Heerka 2-aad waxaa la galayaa marka ugu yaraan kala badh gobollada dalku ay galaan heerka ugu sarreeya ee faafista feyruska. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa ay dowladdu dalka gelinaysaa xaalad degdeg ah, waxaana la soo rogayaa bandow xagga socodka ah.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 288 746 qof (23.2).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunka oo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

       36 656 099     112,346,595
                832 913           2 487,410

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 28,826,307    59 257    1 374  512 590
2 Hindiya 11,015,863    10 792         80  156 498
3 Baraaziil 10,197,531    29 357       716  247 276
4 Ruushka   4,177,330    12 604       337    83 630
5 Ingiriiska   4,126,150    10 641       178  120 757
6 Faransiiska   3,609,827      4 646       333    84 613
7 Isbeyn   3,153,971      8 231       179    67 636
8 Talyaaniga   2,818,863      9 630       274    95 992
9 Turkey   2,646,526      8 104         78    28 138
10 Jarmalka   2,399,500      4 916        329    68 772
11 Kolombiya   2,229,663      3 401        140    58 974
12 Arjantiin   2,069,751      5 417        161    51 359
13 Meksiko   2,041,380      3 104        310  180 107
14 Poland   1,642,652      3 884          18    42 189
15 Iiraan   1,582,275      8 263          89    59 572
16 Konfur-Afrika   1,504,588         792         97    49 150
17 Ukriane   1,307,662      3 206         53    25 156
18 Indonesia   1,288,833    10 180        202    34 691
19 Peru   1,286,757      3 448        166    45 263
20 Czechia   1,157,258      4 057        121    19 453
21 Netherlands   1,060,801      4 162          32    15 249
22 Soomaliya          6 246         229           6         208

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS