Wararka caalamka ee maanta iyo feyruska korona

Finland waxaa laga helay 47 qof oo cusub oo qaba feyruska korona, iyo laba xaaladood oo dhimasho ah

 Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Isniin 14.9.2020 laga helay feyruska korona 47 qof oo cusub oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa gaareysa 8 627 qof.

Meelaha ugu badan ee  faafista feyruska laga helay waa Helsinki (10 ), Vantaa (7), Espoo waxaa laga helay 5 qof oo hor leh.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in laba qof oo cusub ay u dhinteen xaalad la xiriirta feyruska korona. Tirada guud ee u dhimatay feyruska korona illaa iyo haatan waa 339 qof.

Sida ay hay’adda THL sheegtay waxaa daryeel isbitaal xanuunkaan feyruska korona dartiis ugu jira 10 qof, kuwaasoo saddex ka mid ah ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran.

Magaalada Mikkeli oo iskuulladii iyo goobihii kale ee guud la xirey muddo laba toddobaad ah xaaladda korona awgeed

 Magaalada Mikkeli ayaa go’aamisay in fasallada waxbarashada 4-9 ee iskuullada loo wareejiyo waxbarashada dhanka internetka ah muddo laba toddobaad ah. Kooxda shaqada magaalada Mikkeli u qaabilsan xaaladaha dhibaatooyinka soo kordha ayaa maanta go’aamisay arrinkaas, iyagoo qaatay talosoojeedintii gudiga isutagga degmooyinka ee adeegyada caafimaadka iyo arrimaha bulshada bariga Savo ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan Essote.

Waxaa intaa dheer in duqa magaalada Mikkeli Timo Halonen uu go’aamiyay, in si loo dejiyo xaaladda cudurkaan safmarka ah ee socda, la xiri doono muddo laba toddobaad ah dhammaanba xarumaha dabaasha, isboortiga gudaha iyo xarumaha dhalinyarada, waxaana ay xirnaan doonaan illaa iyo 27-ka bishan sagaalaad.

Waxaa arrinkaas laga soo reebay hoolalka isboortiga gudaha ee lagu ciyaaro ciyaaraha barafka, kuwaasoo xirnaan doona illaa bisha 20-keeda. Go’aanka xirista goobahaas waa mid u dhaqangalaya si dhakhso ah.

Maktabadaha, goobaha loo tago dano soodhameysashada iyo goobaha hawlaha dhaqanka wali sidooda ayay u sii furnaan doonaan, waayo sida ay Essote sheegeen, khatarta ah in goobahaas u nuglaanta cudurka ay ka dhacdo waa mid aad u yar.

Shirkadda farsameynta batroolka ee Neste oo shaqaale dhimis sameyneysa

 Sida ay sheegtay shirkadda Neste e farsameynta batroolka, ayaa 470 qof oo shaqaalaheeda ka mid ah shaqada ka joojineysa, saameynta uu feyruska korona ku yeeshay hawlaheeda awgeed. Shirkaddu waxaa ay sheegtay in ay joojinayso howlihii xarunteeda Naantali, waayo xanuunkaan safmarka ee feyruska korona ayaa sababay in ay yaraadaan hawlihii shirkaddu qabanaysay.

Magaalada Lestijärvi oo ay deggan yihiin 700 oo qof oo kaliya ayaa laga helay 6 xaaladood oo feyruska korona ah

Magalaada Lestijärvi oo ah magaalada labaad ee ugu dadka yar Finland, ayaa illaa iyo haatan waxaa laga helay 6 qof oo qaba feyruska korona. Waxaa haatan socota shaqada lagu raadraacaayo dhammaanba dadkii u nuglaaday feyruska. Iskuullada magaalada oo dhan ayaa waxbarashadii loo wareejiyay dhanka internetka, ardeyda oo dhanna waxaa laga qaadi doonaa saamiga baarista feyruska korona.

Waxaa kaloo magaaldu ay go’aan ku gaartay in la xiro maktabadda, hoolalka jimicsiga iyo aqalka magaaladaba. Sidoo kale shaqaalaha iyo dadka ku sugan xarunta adeegga dadka waaweyn waxaa laga qaadi doonaa saamiga lagu baaraayo feyruska korona.

Mareykanka

Tirada dadka cusub ee laga helay feyruska waa 33 171 qof. Tirada guud ee illaa iyo waqtigan uu ku dhacay feyrsuka waa 6,53 milyan oo qof. Tirada dadka u dhintay feyruska korona awgiis waa 193 867 qof oo qof.

Ruushka

Tirada dadka cusub ee laga helay feyruska waa 5509 qof oo cusub. Tirada guud ee illaa iyo haatan laga helay feyruska waa 68 kun 520 qof. Tirada dadka u dhintay feyruska korona awgiis waa 57 qof oo hor leh, tirada guud ee dhimashadana waa 18 635 qof.

Filibiin

Tirada dadka cusub ee laga helay feyruska waa 4699 qof oo cusub. Tirada guud ee illaa iyo haatan laga helay feyruska waa 265 888 qof. Tirada dadka u dhintay feyruska korona awgiis waa 259 qof oo hor leh, tirada guud ee dhimashadana waa 4630 qof.

Hindiya

Tirada dadka cusub ee laga helay feyruska waa 92 kun iyo 71 qof oo cusub. Tirada guud ee illaa iyo haatan laga helay feyruska waa 4,8 milyan oo qof.

Tirada dadka u dhintay feyruska korona awgiis waa 1100 qof oo hor leh, tirada guud ee dhimashadana waa 79 kun 722 qof.

Jarmalka

Sida laga soo xigtay macahadka Robert Koch ee cudurrada faafa, tirada dadka cusub ee laga helay feyruska ee dalka Jarmalka waa 927 qof oo cusub, Taasoo ka dhigeysa tirada guud ee illaa iyo haatan laga helay feyruska waa 260 355 qof. Tirada ee dhimashadana waa 9350 qof.

Meksiko

Tirada dadka cusub ee laga helay feyruska waa 4408 qof oo cusub. Tirada guud ee illaa iyo haatan laga helay feyruska waa 668 381 qof.

Tirada dadka u dhintay feyruska korona awgiis waa 217 qof oo hor leh, tirada guud ee dhimashadana waa 70 kun iyo 821 qof.

Baraaziil

Tirada dadka cusub ee laga helay feyruska waa 14 768 qof oo cusub. Tirada guud ee illaa iyo haatan laga helay feyruska waa 68 kun 520 qof.

Tirada dadka u dhintay feyruska korona awgiis waa 57 qof oo hor leh, tirada guud ee dhimashadana waa 18 635 qof.

Isha warka/ Yle, HS, Aljazeera