Finland waxaa laga helay maanta 182 qof oo uu ku dhacay feyruska korona iyo 2 xaaladood oo dhimasho hor leh ah

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Jimco 28.05.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 182 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 92 244 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa tiro gaaraysa 2 558 qof waxaa ay ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa iyo 58 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 27
Espoo 18
Lahti 15
Vantaa 13
Tampere 12
Hämeenlinna 10
Turku 5
Janakkala 5
Forssa 4
Oulu 3
Kotka 3
Kouvola 3
Nurmijärvi 3
Heinola 3
Seinäjoki 3
Hattula 2
Tuusula 2
Hollola 2
Pori 2
Pietarsaari 2
Kärkölä 2
Tammela 2
Rauma 2
Savonlinna 2
Jyväskylä 2
Laihia 2
Hyvinkää 2

 

Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 107 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  20 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 948 qof, kaddib markii ay hay’adda THL shegtay dhimashada 2 qof oo hor leh. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 19 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 6 875 oo qof, kuwaasoo 5 639 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 1 194 waa nooca Koonfur-Afrika, Nooca Hindiga oo ah 40, iyo 2 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 12.05).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 2 405 122 oo qof (28.05).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

Adduunkoo dhan Qaaradda Yurub
Tirada feyruska laga helay 169 738 686 52,5 milyan
Tirada u dhimatay feyruska 3 527 327 1,1 milyan

 

Qaaradda Afrika Qaaradda Aasiya
Tirada feyruska laga helay 4,8 milyan 50,3 milyan
Tirada u dhimatay feyruska  129 912 668 075

 

Qaaradda W/Amerika Qaaradda K/Amerika
Tirada feyruska laga helay 39,6 milyan 28,3 milyan
Tirada u dhimatay feyruska  889 980 767 998

 

Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka ay xaaladda ugu badan ee faafista feyrusku  ka jirtay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
Hindiya 27,547,705   179 770   3 558  318 821
Baraaziil 16,342,162     66 722   2 130  456 753
Arjantiin 3,663,176     41 080      547    76 135
Kolombiya 3,319,193     25 092      513    86 693

 

Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka waqooyiga Yurub, dalka Sucuudiga oo arrimaha xajka iyo cumrada loo aado iyo dalkeenna Soomaaliya

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
28 Sweden 1,068,473          14 413
63 Denmark 277,399   1 119    1      2 511
88 Norwey 124,071      409           783
159 Iceland  6 571   7              30
42 Saudi-Arabia  445,963   1 183     14     7 309
133 Soomaaliya  14 647   15     1        768

Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS