Wararka caalamka ee Feyruska korona iyo maanta

Finland waxaa laga helay 30 qof oo cusub oo qaba feyruska korona

 Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Axad 6.9.2020 laga helay feyruska korona 30 qof oo cusub oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa gaareysa 8291 qof.

Laba iskuul oo dugsiyada sare ee magaalada Helsinki ayaa waxbarashadii laga dhigay dhanka internetka

 Maamulka magaalada Helsinki ayaa sheegay in dugsiyada sare ee kala ah Medialukio iyo Vuosaari, laga dhigay waxbarashadooda dhanka internetka muddo laba toddobaad ah oo ka bilaabanaysa Isniinta 8.9. Labada dugsi sareba waxaa ka dhacay u nuglaanta feyruska korona.

Dugsiga sare ee Medialukio waxaa u nuglaaday feyruska 108 arday iyo afar shaqaale ah. Dugsiga sare ee Vuosaari waxaa feyruska u nuglaaday 37 arday iyo afar shaqaale.

Ardayda qalinjebinta isu diyaarinaysa ee labada iskuulba hore ayay waxbarashadooda ugu qaadanayeen dhanka internetka ah laga soo bilaabo dhammaadkii bisha Luulyo.

Magaalada Lahti waxaa ka dhacday u nuglaan ballaaran oo feyruska korona, kaddib markii qof qaba feyruska uu booqday laba maqaaxiyadood

 Gobolka Päijät-Hämee waxaa ka dhacay u nuglaan aad u ballaaran oo feyruska korona ah, waxaana la sheegay in ugu yaraan lix qof uu feyrusku ku dhacay magaalada lahti. Waxaana intaas dheer in wax ka badan boqol qof la geliyay karantiil, kadib markii qof qaba feyruska uu yimid maqaaxi ay joogeen.

Waxaa intaas dheer in qof ka mid ah dadka feyrusku uu ku dhacay uu ka tirsan yahay mid ka mid ah iskuullada hoose dhexe ee Lahti, sababtaas awgeedna fasal ka mid ah iskuulka iyo qaar ka mid ah ardayda oo fasallo kala duwan dhigta iyo waliba qaar ka mid ah macallimiinta, ay isniinta laga bilaabo waxbarashada ka wadi doonaan dhanka internetka.

Maroko

 Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka, tirada dadka cusub ee laga helay feyruska afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay waa 2234 qof, waxaana dhintay 32 qof

Tirada guud ee illaa iyo waqtigan uu ku dhacay feyrsuka waa 72 kun 394 qof. Tirada dadka u dhintay feyruska korona awgiis waa 55 274 qof

Lubnaan

Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka, tirada dadka cusub ee laga helay feyruska afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay waa 415 qof, waxaana dhintay 4 qof

Tirada guud ee illaa iyo waqtigan uu ku dhacay feyrsuka waa 20 kun 426 qof. Tirada dadka u dhintay feyruska korona awgiis waa 191 qof

Maraykanka

Sida ay sheegtay John Hopkins ee maraykanka, tirada dadka cusub ee laga helay feyruska afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay waa 44 452 qof, waxaana dhintay 783 qof

Tirada guud ee illaa iyo waqtigan uu ku dhacay feyrsuka waa 6 milyan 244 970 qof. Tirada dadka u dhintay feyruska korona awgiis waa 188 538 qof

Ciraaq

Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka, tirada dadka cusub ee laga helay feyruska afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay waa 3651qof, waxaana dhintay 90 qof. Tirada dadka u dhintay feyruska korona awgiis waa 7512 qof

Iiraan

Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka, tirada dadka cusub ee laga helay feyruska afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay waa 1992 qof, waxaana dhintay 139 qof

Tirada guud ee illaa iyo waqtigan uu ku dhacay feyrsuka waa 386 658 qof. Tirada dadka u dhintay feyruska korona awgiis waa 22 293 qof

Biljam

Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka, tirada dadka cusub ee laga helay feyruska afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay waa 651 qof, waxaana dhintay 5 qof

Tirada guud ee illaa iyo waqtigan uu ku dhacay feyrsuka waa 87 825 qof. Tirada dadka u dhintay feyruska korona awgiis waa 9 906 qof

Ruushka

Sida ay sheegtay xarunta la dagaallanka korona ee Ruushka, tirada dadka cusub ee laga helay feyruska afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay waa 5195 qof, waxaana dhintay 61qof

Tirada guud ee illaa iyo waqtigan uu ku dhacay feyrsuka waa 1 milyan 25 kun 505 qof. Tirada dadka u dhintay feyruska korona awgiis waa 17 820 qof