Finland waxaa laga helay maanta 324 xaaladood oo feyruska korona ah

Arbaca 13.01.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 324 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 39 335 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 60 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 169 qof, Gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 59 qof iyo gobolka Pohjois-Pohjanmaa oo laga helay 23 qof.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 72 qof, Vantaa: 44 qof, Turku: 41 qof, Espoo: 36 qof, Oulu: 19 qof, Tampere: 12 qof, Lahti: 6 qof, Kuopio: 5 qof, magaalooyinka Raiso, Jyväskylä, Nurmijärvi iyo Vaasa oo min 4 qof laga helay, Magaalooyoinka kala ah Tuusula, Järvenpää, Kaarina, Kerava, Hämeenlinna iyo Ilomantsi oo laga helay min 3 qof, sidoo kale magaalooyinka kala ah Lieto, Maalahti, Tornio, Rusko, Salo, Riihimäki, Pyhtää, Hollola, Lohja, Rovaniemi, Kuusamo, Aura iyo Savonlinna : oo min 2 qof laga helay, iyo magaaloyinka kale ee soo haray oo min hal qof ah.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 150 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 28 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 610 qof, kaddib markii hay’adda THL ay maanta sheegtay in 8 qof oo hor leh ay u dhinteen feyruska korona.

Xaaladda cudurka safmarka ah ee heerka faafista: HUS, Päijät-Häme, Pohjois-Pohjanmaa, Kymenlaakso, Kanta-Häme, Varsinais-Suomi, Ahvenanmaa,iyo laba degmo oo ka tirsan Pohjanmaa oo kala ah: Korsnäs, Mustasaari.

Heerka karaar qaadashada Satakunta, Etelä-Savo , Keski-Suomi, Länsi-Pohja, Pirkanmaa, Etelä-Pohjanmaa, Keski-Pohjanmaa, Etelä-Karjala iyo Pohjois-Karjala iyo Kainuu.

Heerka hoose: Itä-Savo, Pohjois-Savo iyo Lappi.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

 29 454 161    92 116 803
       633 244       1 972 676

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 23,3 milyan   223 628    4 281  389 621
2 Hindiya 10,5 milyan     15 903       200  151 564
3 Baraaziil 8,19 milyan     61 804    1 109  204 726
4 Ruushka 3,44 milyan     22 934       531    62 804
5 Ingiriiska 3,16 milyan     45 533     1 243    83 203
6 Faransiiska 2,80 milyan    19 752        452    68 802
7 Turkiga 2,34 milyan       9 809        171    23 152
8 Talyaaniga 2,30 milyan     14 242        616    79 819
9 Isbeyn 2,13 milyan     25 438        408    52 683
10 Jarmalka 1,95 milyan     16 415     1 106    43 203
11 Kolombiya 1,81 milyan     14 179        331    46 782
12 Arjantiin 1,74 milyan     13 783        194    44 848
13 Meksiko 1,54 milyan       7 594        662  134 368
14 Poland 1,39 milyan       5 642          98    31 593
15 Iiraan 1,29 milyan       5 642        326    56 360
16 K/Afrika 1,25 milyan     13 105        755    34 334
17 Ukriane 1,12 milyan       5 116        184    20 019
18 Peru 1,04 milyan       5 166        184    38 399

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS