Ma deggantahay deegaan ka tirsan gobolka Uusimaa? Fadlan dooro oo codkaada sii mudane Faysal Abdi oo u taagan doorashada baarlamaanka Finland- Siyaasadda Murashax Faysal Abdi hoos ka aqriso

Xuquuqda sawirka: Faysal- Abdi Facebook

Murashax Mudane Faysal Abdi ayaa muddo ka mid ahaa Golaha deegaanka ee magaalada Vantaa wuxuuna aqoon duruqsan u leeyahay ka sokow siyaasadda arrimaha dhaqaalaha.

Mudane Faysal Abdi ayaa haatan u taagan doorashada baarlamaanka Finland isagoo ka sharraxan Gobolka Uusimaa.

Sidaas darteed, haddii aad deggantahay degmooyinka uu ka kooban gobolka Uusimaa sida Vantaa, Espoo iyo qaar kale oo badan, fadlan codkaada sii Murashax Faysal Abdi.

Siyaasadda Murashax Faysal ee ku aaddan shaqada iyo shaqaalaha Finland hoos kaga bogo:

Helitaanka shaqaalaha iyo isukeenidooda waxaa laga sameeyay baadhitaano badan. Heli la’aanta shaqaaluhu waa mid dalkoo dhan iyo reer galbeedkoo dhanba ka dhexeeya. Bulshada Finland waxay ka gaboob badantahay dalalka kale ee Yurub.

Bulshadan gaboobaysaana waxay u baahantahay daryeelo  caafimaad ka badaan kuwii hore. Qaybta caafimaadka waxaa ka jira shaqooyin badan dadkii ka shaqayn lahaana ma jiraan. Shaqaalo la’aantu waxay saameynaysaa dhinacyo badan sida qaybta IT, macaliiminta, dhismayaasha, maqaaxiyooyinka iyo kuwa dhulka dhaqaba.

Xalka waxaa laga raadinayaa dibada. Lakiin Finland diyaar ma u tahay?

Dadka ajanabiga ah ee Finland dagan waxay u badanyihiin dhalinyaro oo badankood soo dagay Finalnd 2000 ka bacdi. Dadka ajanabiga ee dagan dalku waxay u yimaadeen shaqo, waxbarasho qaarkoodna qaxoontinimo. Dhamaantoodba waxay leeyiihiin awood ay ku dhisi karaan dalka lakiin waxay la kulmaan cunsiriyad iyo luuqadoo lagu adkeeyo markay shaqo doontaan.

Aqoonta dhaqamada kala duwan iyo la kulankoodu way ku cusubtahay finland. Xilliyadan danbe Finland iskuuladeedu iyo meelaha shaqooyinkuba waxay yihiin meelo caalami ah. Magaalooyunkana maalmiyan waxaa laga arkaa dhaqano kala duwan.

Wax soo saaritanka cusub iyo tegnoolajiyada hor maraysaaba uma fiicna shaqooyinka qaar. Waxaa jira shaqooyin loo baahnyahay shakhsi in uu xannaaneeyo si fiicana u daweeyo. Madaxda shaqooyinka ururada shaqaalaha iyo baadhayaashuba waxay muujiyeen in loo baahanyahay shaqaale laga keeno dibadaha. Xilligan la joogo ka shaqaynta iyo dagitaanka Finlandba ma soo jiidanayso shaqaalaha ka imanayaa dibada marka loo eego dalalka kale. Sababtoo ah qaabka dalabka oo deer dhib badana.

Si looga hor tako dhibta soo socota waa in ay Finland isbadal ku samaysaa la dhaqanka dadka ajanabiga ah. Darbiga dowliga ah ee hortaagan waa in la fudaydiyaa. Sharciga shaqada, viisaha iyo daljoogitaankaba waa in ka fudaydiyaa. Sidoo kalena waa in qoyska shaqaalahana la tixgaliyaa. Mushaharku waa inuu noqdaa mid dartan gali karaa. Cashuurtana waa in la yareeyaa.

Finnishka cusub waa in la ilaaliyo caafimaadkooga, joogitaanka wanaagsan ee ay dalka joogaan iyo adeegyada ay u baahanyihiim helitaankooda. Si loo helo dad waxbartay oo shaqaala ah waa in loo sameeyaa iskuulo iyo xannaano af ingriisi ah. Luuqada finnishka barashadeeda waa in lagu siyaadiyaa darajo kasta oo waxbarasho.

Kuwa hadda bilaa shaqada ah waa in la toobabaraa iyadoo la isticmaalayo waxbarasho shaqo. Sidoo kale waa in hoos loo dhigaa shaqooyinka qaar luuqada loo baahnyahay. Waxaa ugu muhiimsan in la baro qofka qaabka ay u shaqeeyaan shaqooyinka dalku iyo xuquuqda ay leeyihiin shaqaaluhu.

Toobabar, dhaqanka shaqada iyo siyaasada oo la fudaydiyo ayaa waxay fudaydinaysaa helitaanka shaqaalaha.

Faysal Abdi

Xubin ka mida Guddiga fulinta magaalada iyo golaha deeganka magaalada Vantaa Ahna Musharax barlamaanka dalka Finland