Shirweynaha sannadlaha ee Qurbajoogta Soomaaliyeed (GSD) oo sannadkan ka dhacay magaalada Espoo, Finland – Barbaariso Nimco Nuur iyo madaxda kale ee GSD oo ka hadlay sida uu Shirweynuhu u dhacay

Shirweynaha sannadlaha ah ee Qurbajoogta Soomaaliyeed ayaa waxaa sannadkan nasiib u yeeshay martigelintiisa Qurbajoogta Soomaaliyeed ee Finland wuxuuna ka dhacay magaalada Espoo, Finland 21.10.2022 -23.10.2022.

Ra*iisal wasaare Xamse oo shirka khadka uga qaybgelaya

Guddoomiyaha GSD Jawaahir Dahir oo Shirweynaha furtay ayaa qurbajoogta Soomaaliyeed ee Finland, ka qaybgalayaasha iyo maalgeliyayaasha madasha uga mahadcelisay, martigelinta, maalgelinta iyo ka soo qaybgalka. Hadalka Guddoomiye Jawaahir halkan kaga bogo isagoo maqal iyo muuqaal ah:

Shirweynaha GSD ayaa sannadkan waxaa si rasmi ah khadka maqal-muuqaalka uga qaybgalay islamarkaasna u furay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Hamse Cabdi Barre. Ra’iisal wasaaraha ayaa bahda GSD uga mahadceliyay qabanqaabinta shirweynaha qurbajoogta Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo uu Ra’iisal wasaaruhu Qrubajoogta Soomaaliyeed ku booriyay, in ay ka qaybqaataan la dagaalanka argagixisada, sida in ay dhaqaale ku kabaan deegaannada dagaalka ba’an kula jira kooxda Alshabaab ee argagixisada ah.

Waxaa kale oo shirweynaha ka hadlay Wasiirka arrimaha dibadda ee Finland, Pekka Haavisto oo ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay qurbajoogta Soomaalidu u leedahay dib u dhiska dalka Soomaaliyeed. Dowladda Finland ayuu wasiirku sheegay, in ay garab taagantahay Soomaaliya.

Xildhibaan MP Suldaan Said Ahmed, Ergeyga gaarka ah ee wasiirka arrimaha dibadda Finland u qaabilsan nabadaynta iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika oo kamid ahaa marti-sharafka ka hadashay Shirweynaha ayaa mahadnaq kaddib ka hadlay hawsha nabadaynta iyo dhexdexaadinta Geeska Afrika ee uu gar-wadaynka ka yahay iyo taageerada dhinacyada badan ee ay dowladda Finland siiso Soomaaliya.

Xildhibaan Mubaarark Abdirahman oo ka tirsan baarlamaanka Iswiidhan oo ka qaybgalay Shirweynaha GSD ayaa sheegay, in qofku uu yeelan karo aqoonsiyo (identity) badan oo aanay waxba ku jabnayn, in uu qofku isku noqdo tusaale ahaan Soomaali, Iswiidhish, Afrikaan iyo Muslim.

Jutta Urpalainen oo xubin sare ka ah Golaha Midowga Yurub una qaabilsan xiriirka caalamiga ah ayaa farriin isugu jirta salaan, bogaadin iyo dhiirrigelin u soo dirtay Shirweynaha Qurbajoogta Soomaaliyeed.

Xildhibaanad Inka Hopsu oo xubin ka ah baarlamaanka Finland oo iyaduna Shirweynaha ka qaybgashay ayaa ka hadashay qorshaha dowladda Finland ee la xiriira habraaca la qabsashada iyo waxbarashada bulshada u soo guurtay dalka Finalnd.

Mowduucyada sannadkan shirweynaha lagu gorfeeyay, looga baaraandegay islamarkaasna si ballaaran looga hadlay ayaa ahaa dhallinyarada, dumarka iyo ganacsiga. Waxaa shirweynaha lagu soo bandhigay shirkadaha ay dhallinyarada Soomaaliyeed aasaaseen ee dunida kaga jira kaalimo waaweyn.

Finland oo Shirweynaha lagu qabtay ayaa waxaa sharaf u ahayd, in ay shirweynaha ka hadashao Fadumo Ali oo hoggaamisa shirkad bixisa adeegga bulshada iyo caafimaadka oo lagu magacaabo HOIWA Oy. Shirkaddan oo sannado kooban jirtay ayaa waxay ku guuleysatay billado kala duwan oo dhammaantood ka marqaati-kacaya horumarka xawliga ku socda ee ay shirkaddan muddo gaaban ku samaysay welina ay ku sii socoto.

Waxaa kale oo Reer Finland Sharaf u ahaa in ay shirka ku soo bandhigaan Riyo Café oo ah kafateeri ay hablo Soomaaliyeed dalkan Finland ka aasaaseen qiyaastii sannad kahor. Riyo Cafe ayaa noqotay kafateerigii ugu horreysay ee heerkeedu sarreeyo lana loolami karto kafateeriyada kale ee casriga ah ee Finland ka furan.

Xiriirayaasha hadal-helista, codkarnimada iyo falfalaxsaanta kulansaday ee reer Finland Abdirahim Husu, Maryan Abdulkarim iyo Habibo Ali Kahiye iyo weliba Yuusuf Noor oo ka socday Ingriiska ayaa Shirweynaha GSD ee sannadkan ka dhigay mid saddexdii maalmood ee uu socday aan marnaba lagu caajisin. Waxay nuuriyeen jawiga Shirweynaha GSD ee sannadkan 2022.

Husu:Photo Husu Facebook
Habiba Ali
Yuusuf Noor:Photo Face

Barbaariso, Qoraa Nimco Nuur oo ka tirsan Golaha dhexe ee GSD oo sannadkan iyadoo kaashanaysa Ururada iyo Qurbajoogta Soomaaliyeed ee Finland martigelisay Shirweynaha GSD ayaa ugu horreyn sheegtay, in farxad iyo sharaf ay u tahay, in sannadkan lagu qabto Shirweynaha GSD dalka Finland, gaar ahaan Hoolka shirarka ee Golaha Deegaanka Magaalada Espoo.

Nimco Noor- Kuva:Nicmo Facebook

Barbaariso Nimco ayaa dhanka kale ka hadashay Arrimaha ka soo baxay shirweynaha GSD ee lagu soo bandhigay gunaanadka Shirweynaha. Hadalka Barbaariso Nimco oo maqal iyo muuqaal ah halkan ka kaga bogo:

Gudddoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya Abdirahman M. Abdullahi oo Shirweynaha GSD-2022 khadka arag-maqalka ah uga qaybgalay ayaa ka warbixiyay sida uu Bangiga dhexe ee Soomaaliya ugu hawlan yahay, in Soomaaliya ay noqoto meel maalgashiga u saaxiib ah.

Guddoomiyaha ayaa dhanka kale sheegay, in bangdiga dhexe ee Soomaaliya uu ruqsadda shaqada siisay 12 xawaaladood oo heer caalami ah iyo 13 bangi oo ah kuwo gaar loo leeyahay, kuwaas oo dhammaantood ka shaqeeya gudaha Soomaaliya.

Hannaanka qulka lacagaha ama lacag-isdhaafsiga ee bangiyadan u dhexeeya oo aan billowgii hore shaqaynayn ayaa hadda shaqaynaya sida uu guddoomiyuhu sheegay.

Wakiillo ka socday ha’adda IOM ee Qaramada midoobay oo Shirweynaha ka qaybgalay ayaa ka hadlay sida ay uga qaybqaataan horumarinta ganacsiyada yaryar ee Soomaalida gaar ahaan kuwa dumarka.

Qoraa Bazi Bussuri oo ahaa Xoghayaha Golaha Qurbajoogta Soomaaliyeed oo shirka GSD ka qaybgalay ayaa dhammaadka shirka dareenkiisa ku cabbiray wareysigan:

Shirweynaha GSD ayaa lagu soo gunaanaday Xafladda caanka ah ee Habeenka dhaqanka Soomaalida oo ay qabanqaabiso Dallada Ururada Soomaalida iyo Finnishka ee ka hawlgala Soomaaliya (Finnish Somali Network- linkiga ururka).  Xafladdaas ayaa waxaa lagu soo bandhigay cuntada iyo dhaqanka iyo hiddaha Soomaalida.

SSMV