Wararka feyruska korona Finland iyo caalamka intiisa kale

Finland waxaa laga helay 214 qof oo cusub oo qaba feyruska korona.

Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Isniin 12.10.2020 laga helay feyruska korona 214 qof oo cusub oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa gaareysa 12  212 qof.

Meelaha ugu badan ee faafista aadka ah ay ka jirto waa magaalooyinka Helsinki iyo gobolka Uusimaa oo laga helay 121 qof oo cusub oo hor leh (Helsinki 59, Espoo 27 iyo Vantaa 20 iyo Vaasa oo laga helay 60 qof oo cusub.

Sida ay sheegtay hay’adda THL Finland wax dhimasho ah kama dhicin. Illaa iyo hadda tirada dhimashada waxaa ay mareysaa 346 qof.

Daryeelka isbitaalka waxaa haatan ku jira 46 qof, taasoo sagaal qof ka badan tiradii Jimcaha. Qaybta xaaladaha aadka u daran waxaa ku jira 10 qof, waxaana tiradii Jimcaha ay ka badan tahay shan qof.

Jyväskylä oo sheegtay in dhammaan dadkii u nuglaaday feyruska toddobaadkii la soo dhaafay lala kulmay.

Magaalada Jyväskylä ayaa sheegtay in mawjadii faafista feyruska korona ee ruxday magaalada haatan dhammaanteed la caddeeyay, kaddib markii lala kulmay dadkii u nuglaaday feyruska oo dhan.

Illaa iyo hadda tirada cudurka uu ku dhacay waa 50 qof, kuwaasoo xiriir la lahaa xaflad diini ah oo kaniisad ku taalla magaalada Jyväskylä ay toddobaadkii hore xaruntooda ku qabsadeen, halkaasoo tiro 100 qof ah oo joogay ay u nuglaadeen feyruska, kaddibna ay iyagu magaalada u sii qaybiyeen.

Sida magaaladu sheegtay waaxda caafimaadku waa ay la kulantay dhammaanba dadkii u nuglaaday feyruska, waxaana karantiil la geliyay illaa iyo qiyaastii 700 oo qof.

Kooxda magaalada Jyväskylä u qaabislan xaaladaha aan caadiga aheyn ayaa maanta shir isugu yimid, waxaana ay dib u eegis ku sameeyeen talosoojedinta amni ee haatan maagaalada ka jirta, waxaana ay ka wada hadleen in la sii adkeeyo xaaladaha xadidaada ah ee jira iyo inkale. Kooxdu waxaa ay go’aan ku gaareen in talosoojeedinta iyo xadaymaha hadda jira sidooda lagu sii wado.

Dhinaca kale isla magaalada Jyväskylä sideed arday oo dhigata Machadka waxbarashada Gradia ayaa laga helay feyruska Korona. Sida maamulka magaalada uu sheegayna sideedaas kiis waxaa ay la xiriiraan xaaladdii faafista feyruska ee ka dhacday magaalada toddobaadkii la soo dhaafay, taasoo la og yahay halka ay salka ku hayso ama ay ka soo bilaabatay.

Waxaa machadkaan u nuglaaday feyruska 146 qof, kuwaasoo 127 ka mid ah ay yihiin ardayda machadka, inta kalena ay yihiin shaqaalaha machadka.

Magaaladu waxaa ay hore  u soo jeedisay in dadku ay qaataan afshareerka, islamarkaana wixii ka badan 50 qof aanay meel isugu imaan Karin.

Magaalada Jyväskylä waxaa ay sheegtay in tilaabooyin kale oo xagga amaanka caafimaadka ah ay dhici karto in la qaado, sida waxbarashada oo dhanka internetka loo wareejiyo, xiridda goobaha hiwaayadda, tirada isuimaanshaha oo wax laga beddelo iyo xafladaha iyo munaasabadaha oo la diido in la qabanqaabiyo.

Magaalada Vaasa oo wali faafistii feyrusku ay ka jirto

Qaar ka mid ah shaqaalaha xannaanada Gerbyn oo ku taalla magaalada Vaasa ayaa laga helay feyruska korona, waxaa sidaas kanaalka MTV 3 u xaqiijiyay maamulka magaalada.

Xannaanadaas oo ay ku jiraan tiro carruur ah oo gaareysa 200, waxaa feyruska u nuglaaday oo kaliya 42 carruur ah iyo shan qof oo dadka waaweyn ee shaqaalaha ah.

Dadka feyruska u nuglaaday waa tiro aad u yar marka loo eego tirada guud ee carruurta ee dhigata xannaanada, waayo xannaanada oo arrinkaas ah khatarta feyruska hore qorshe uga sii degsatay, kaddib markii ay carruurta u qeybiyeen illaa shan qeybood oo kala duwan, islamarkaana la geeyay goobo kala duwan. Shaqaalaha qabay feyruska korona ee laga helayna ma aanay joogin goobaha kale ee carruurtu ku jirtay.

Magaalada Vaasa iyo agagaarkeeda ayaa wali lala tacaalayaa xaaladda feyruska korona, waxaana wiikendhigii la soo dhaafay tirada laga helay ee kor u dhaafeysaa 100 qof.

Inta ugu badan dadka uu feyrusku ku dhacay waa dad da’dii shaqada ku jira, taasoo ka dhigan in uu feyruska korona aad ugu faafafyo da’da dadka waaweyn. Waxaana sidoo kale uu feyrusku u gudbay magaalooyinka kale ee u dhow. Dhinaca kale si kasta oo xaaladda feyrusku ay cirka isku shareertay, haddana isbitaallada waxaa ka jirta xaalad degganaan ah. Mana jiro qof ka mid ah bukaanka feyruska korona oo arrintaas darteed daryeel isbitaal ugu jira.

Shan iskuul oo ku yaalla Espoo oo ay ka dhacday u nuglaanta feyruska korona

 Shan iskuul oo ku yaalla magaalada Espoo ayaa kahor fasaxan deyrta ee iskuulladu galeen, waxaa joogay dad qaba feyruska korona. Waxaana natiijada arrinkaas ka dhalatay ay noqotay in 230 qof oo isugu jira arday iyo shaqaalaha iskuulladaas la geliyo karantiil, oo ay fasaxooda deyrta ku qaataan guryahooda. Iskuullada ay joogeen dadka qaba feyruska korona waxaa ay kala yihiin iskuulka Saunalahti, Lähdenranta, Kälajärvi, Kilonpuisto iyo lahnus. Waxaana dadkaas karantiilka la geliyay ay ka bixi doonaan 22.10.

Kela oo qaar ka mid ah macaamiisheeda u dirtay go’aamadii ugu horeeyay ee ku saabsan magdhowga lacageed ee kummeelgaarka ah ee xanuunkan safmarka ah ee Korona

Hay’adda Howlagabka Qaranka ee loo yaqaan Kela ayaa maanta u dirtay macaamiisheeda loogu talaggalay go’aammadii ugu horreeyay ee magdhowga kumeelgaarka ah ee xanuunkaan safmarka ah ee korona.

Bishan Oktoobar waxaa magdhowga xanuunkan safmarka ah ee kumeelgaarka ah heli doona illaa 130 000 oo guri.  Go’aanka ku saabsan magdhowga kumeelgaarka ah ee xanuunkan safmarka waxaa macaamiisha loogu soo diri doonaa guryahooda. Dhinaca inetrenetkana waxaa go’aanka laga arki karaa dhowr maalmood kahor inta aan lacagta la soo shubin.

Magdhowga lacageed ee xanuunakan safmarka ah ee korona waxaa la siin doonaa illaa iyo dhammaadka sannadkan, dadka macaamiisha ee qaatay lacagta kaalmada nolosha ama lacagta ceyrta qofba sida uu u yaqaan xilligii koroonaha ee gu’ga ahaa ee la soo dhaafay.  Magdhowga waxaa la bixinayaa mudada afarta bilood ah ee u dhexeysa September-December.

Bishan waxaa magdhowga heli doona 130 000 oo guri, waxaana lacagta la bixinayaa ay dhan tahay 23 milyan oo yuuro.

Lacagtan magdhowga xanuunkan safmarka ah uma baahna in uu qofku si gaar ah u codsado, Xafiiska Kela ayaa si ootomaatig ah u siin doona, dadka macaamiisha ah ee arrinkaas xaqa u leh.

Si kastaba waxaa xafiiska Kela ku soo baxay arrinka ama xaaladda ah, in ay jiraan dad macaamiisha ka mid ah oo ay dhici karto in ay ka mid yihiin dadka xaqa u leh magdhowgan kumeelgaarka ah, laakiin Kela aanay si ootamaatig ah u caddeyn karin arrinkooda. Dadkaas u arka in ay xaqa u leeyihiin, laakiin aan wax go’aan ah u imaan, waxaa ay la soo xiriiri karaan xafiiska Kela, si loo caddeeyo xuquuqdooda magdhowgaas.

Waxaad la xiriirta xafiiska kela, haddii aadan helin 16.10 magdhowgan kumeelgaarka ah, aadna soo buuxisay shuruudaha soo socda:

  • Waxaad sanadkaan codsatay lacagta kaalmada nolosha (perustoimeentulotuki)
  • Waxaad ka mid aheyd xubin ka tirsan qoys helay go’aanka lacagta kaalmada nolosha mudadii u dhexeysay 1.3-31.7.2020
  • Waxaad bishii Luulyo kaddib u guurtay qoys kale, oo qaata lacagta kaalmada nolosha.

Sida guud xaaladahaas aan kor ku soo sheegnay waxaa calamaad su’aasha saaraya waa xaaladda qoys ahaaneed ee isbeddeshay ama ilmaha oo inta qaangaaray ka guuray guriga.

Dadka macaamiisha ah waxaa ay Kela kula soo xiriiri karaan dhanka telefoonka, dhinaca danodhameysiga ee internetka  ama in ay toos ah u yimaadaan xafiiska Kela-da.

Madaxweynaha dalkan Finland Sauli Niinisto ayaa ansixiyay 9.10.2020 sharcigan ku saabsan magdhowga xanuunka safmarka ee kumeelgaarka ah. Waxaana sharcigan uu shaqaynayaa mudada u dhexeysa 1.10.2020-31.12.2020.

Xograadin la sameeyay ayaa caddaynaysa in kumannaan finish ah ay sigaarkii joojiyeen Koranaha dartiis.

Sida uu sheegay ururka arrimaha caafimaadka ee loo yaqaan Suomen ASH  kummannaan finish ah ayaa joojiyay gabi ahaanba sigaar cabistii, xanuunkan safmarka ah ee koronaha awgiis.

Natiijadan ayaa ka soo baxday Xograadin uu ururka ASH ku doonaayay in uu ku ogaado saameynta korona feyrus uu ku yeeshay isticmaalka tubaakada iyo waxyaabaha sunta nikootiintu ay ku jirto.

ASH waxaa ay sheegeen in Sannad gudihiis 15 %  ay sigaarka u joojiyeen koronaha dartiis. Waxaana ururka ASH uu sheegay in taasi ay a dhigan tahay in 18000 ee qof ee kastaa oo sigaar cabbaa, ay 5000 oo ka mid ah joojiyeen sigaar cabsitii feyruska kronaha awgiis.

Wararka guud ee Caalamka iyo feyruska korona

Dalka Hindiya

 Dalka Hindiya waxaa dowladdu ay go’aan ku gaartay in la joojiyo waraaqdii digniinta aheyd ee lagu sharooteynayay albaabka guryaha dadka uu ku dhacay feyruska korona. Ujeedada go’aankaan ayaa ah in in la joojiyo isku ceebeynta dadka dhexooda ay isku ceebeynayaan arrimaha feyruska korona, iyo in dadka lagu dhiirigeliyo in ay iyagu si iskood ah isu soo baaraan.

Ujeedada awal laga lahaa waraaqdaas digniinta ah ee guriga lagu hor dhajinaayay ayaa aheyd, sidii lagu joojin lahaa faafista cudurka, iyo in dadka karantiilka la geliyay lagu hubsado in ay guryaha dhexjoogaan oo aanay ka soo bixin, laakiin waxaa haatan la ogaaday in dadka qaarkood ay xanuunka la dhuumaalaysanayaan, kuwaasoo ka baqaya in lagu caayo xanuunka.

 Dalka Shiinaha

 Dowladda dalka Shiinaha ayaa sheegtay in ay muddo shan maalmood gudahood ah saamiga baarista feyruska korona kaga qaadi doonto dad lagu qiyaasay 9 milyan oo qof oo ku sugan magaalada Qingdao. Sababta arrinkaas ayay dowladdu ku sheegtay in magaaladaas Axaddii la soo dhaafay laga helay 6 qof oo qaba feyruska korona.

Magaladaas oo dhacda bariga Shiinaha ayaa waxaa ku nool dad tiradooda lagu qiyaasay 9,4 milyan oo qof, waxaana ay xukuumaddu dooneysaa in dhammaan dadkaasi ay ku baarto muddo shan maalmood gudahood ah.

Dalka Shiinaha ayaa ah bu’da uu ka soo bilowday feyruska korona dabayaaqadii sannadkii la soo dhaafay, kaddib magaalada aadka u cammiran ee Wuhan ay noqotay meeshii ugu horreysay ee cudurku ka dillaacay, arrinta haatan ka jirtaa magalaada Qingdao ayaa muujineysa cabsi kale oo ah in mar kale Shiinaha uu noqdo xarunta feyruska korona.

Dalka Ingiriiska

Wasiirka dhaqanka ee ingiriiska Oliver Dowden ayaa sheegay maanta in xukuumadda Boris Jhonson uu hogaamiyo looga baahan yahay in ay soo rogaan xayiraado dheeraad ah oo looga hortagaayo faafista feyruska korona, wuxuuna wasiirku farta ku fiiqay khatarta faafista feyruska korona ah ee ka jirta baararka khamriga lagu iibiyo, maqaaxiyaha iyo kalaabyada lagu caweeyo.

Mr Dowden waxaa uu sheegay telefishinka Sky News, in ujeedada laga leeyahay xayiraadahaas ay tahay sidii loo xakamayn lahaa faafista feyruska korona.

Dhinaca kale maamulayaasha magaalada Liverpool ayaa shaaca ka qaaday, wahadallo saacado dheer qaatay oo ay gelinkii dambe ee habeennimadii Axadda la yeeshen xukuumadda Britain kaddib, in magaalada Liverpool ay geli doonto “marxaladii saddexaad ee feyruska” oo ka adag kuwii hore, taasoo lagu xakamayn doono faafista feyruska korona, Ra’iisul wasaraha ayaan maanta gelinka dambe ku dhawaaqi doona hawlahaas looga hortagaayo faafista feyruska.

Duqa magaalada Liverpool Steve Rotheram ayaa sheegay in xukumaadda ingirisku ay soo saari doonto hawlagallo dheeraad ah oo la fulin doono, iyo in magaalada Liverpool si guud loo go’doomiyo. Waxaana uu intaas ku daray in la xiri doono baararka khamriga, kuwa khamaarka, goobaha ciyaaraha iyo hoolalka jimicsigaba.

Dalka Ingiriiska waxa maanta oo kaliya laga helay feyruska korona tiro kor u dhaafeysa 14 000 oo qof.

Ra’iisul wasaaraha Faransiiska oo sheegay in Faransa ay ka jirto mawjaddii labaad ee feyruksa korona oo ah mid aad u xoog badan.

Ra’iisul wasaaraha dalka Faransiiska Jean Castex ayaa shaagay in dalka faransiiska ay haatan ka jirto mawjad labaad oo xog leh oo feyruska korona ah.

Mr Jean ayaa sheegay in ay suurtaggal tahay in dhammaanba goobaha uu feyrusku sida aadka uga jiro la go’doomiyo, oo xukun degdeg ah lagu soo rogo.

Ra’iisul wasaaruhu wuxuu ballan qaaday in ay soo saari doonaan 22 bisha Oktoobar ablikeeshin cusub oo loogu talaggalay dabaggalka ama raadraaca faafista feyruska korona.

Waxaana uu sheegay in ablikeeshankaan uu isaguna soo degsan doono. Waxaa Faransiiska hore uga dhacday buuq iyo hadalhayn farabadan, kaddib markii la ogaaday in ra’iisul wasaaraha laftigiisu uusan soo degsan ee ay dadka u soo bandhigeen.

Xigasho: YLE, HS,MTV3,AlJAZEERA