Finland kama jirto wax dhimasho cusub oo feyruska korona ah

Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ma jirto wax dhimasho ah uu sababay feyruska korona oo maalmahaan ka dhacday dalka Finland. Tirada guud ee dhimashada ee illaa iyo haatan Finland ka dhacday waa 335 qof.

Waxaa haatan daryeel isbitaal ku jira 11 qof, iyadoo 1 qof oo kamid ah uu ku jiro  qeybta xaaladda degdegga ah.

THL waxaa ay sheegtay in Finland afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay  laga helay feyruska korona 23 qof oo cusub. Tirada guud ee illaa iyo haatan laga helay xanuunka dalkaan Finland waa 8 042 qof.

 

Isha Warka: Yle