Finland waxaa laga helay maanta 430 qof oo uu ku dhacay feyruska korona iyo 3 xaaladood oo dhimasho hor leh ah

Isniin 22.03.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 430 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 72 073 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 9 551 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud qiyaastii illaa iyo 50 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 279 qof, waxaa ku xiga gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 45 qof, iyo Päijät-Häme oo laga helay 34 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 151 Joensuu 2
Espoo 56 Vihti 2
Vantaa 43 Liomaa 1
Turku 31 Kouvola 1
Lahti 26 Imatra 1
Lapeenranta 12 Hausjärvi 1
Jyväskylä 11 Hyvinkää 1
Tampere 9 Lieto 1
Kaarina 7 Raiso 1
Tuusula 7 Pälkäne 1
Kemijärvi 6 Ikaalinen 1
Oulu 6 Rovaniemi 1
Järvenpää 5 Valkeakoski 1
Heinola 5 Kokkola 1
Kuopio 4 Mäntsälä 1
Pori 3 Suintio 1
Porvoo 3 Naantali 1
Kerava 3 Kiittilä 1
Nurmijärvi 3 Ypäjä 1
Mikkeli 3 Paimio 1
Kirkkonummi 3 Uurainen 1
Ylöjärvi 2 Riihimäki 1
Salo 2 Orimattila 1
Hollola 2 Kajaani 1
Forssa 2 Rauma 1

 

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 306 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  55 qof. Tiradii shalay ku jirtay daryeelka isbitaalka waxaa ku korortay 35 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 808 qof, kaddib markii ay hay’adda THL sheegtay in maanta 3 qof oo hor leh ay u dhinteen feyruska korona.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 1 963 qof, kuwaasoo 1 823 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 139-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 733 798 oo qof (22.03)

 Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunka oo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

       41 270 305      123 951 457
             919 148          2 729 201

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 30,521,774    39 505       455  555 314
2 Baraaziil 11,998,233    47 774    1 259  294 115
3 Hindiya 11, 645,719    47 009       213  160 003
4 Ruushka   4,456,869      9 299       371    95 030
5 Ingiriiska   4,296,583       5 312         33  126 155
6 Faransiiska   4,282,603     30 581       138    92 305
7 Talyaaniga   3,376,376     20 159       300  104 942
8 Isbeyn   3,212,332                 72 910
9 Turkey   3,013,122    20 428       102    30 061
10 Jarmalka   2,670,002    11 149       102    75 270
11 Kolombiya   2,337,150      5 963       121    62 028
12 Arjantiin   2,245,771     4 032         28    54 545
13 Meksiko   2,193,639      5 729       608  197 827
14 Poland   2,058,551    21 850       140    49 300
15 Iiraan   1,801,065      7 260         73    61 797
16 Ukraine   1,546,363    11 145        166    29 941
17 Koonfur-Afrika   1,537,852      1 051          29    52 111
18 Peru   1,466,326      5 547         113    50 198
19 Czechia   1,464,960      5 451         131    24,721
20 Indonesia   1,439,120      4 396         103    39 550
21 Netherlands   1,201,545      6 965           15    16 275

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS