Finland waxaa laga helay 420 qof oo cusub oo qaba feyruska korona ah iyo 9 dhimasho oo cusub

Finland waxaa laga helay 420 qof oo cusub oo qaba feyruska korona ah iyo 9 dhimasho oo cusub

 Arbaca 02.12.2020. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 420 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 25 882 qof.

Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolkan Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 256 qof, waxaa kaalinta labaad ah gobolka Varsinais-Suomi oo 28 qof  iyo kaalinta saddexaad oo ku jira gobolka Pirkanmaa, waxaana laga helay 28 qof. Magaalooyinka ugu badan waxaa ay kala yihiin sidatan soo socota: Helsinki (130), Vantaa (53), Espoo (41), Oulu (20), Tampere (15), Turku (14), Lahti (12), Karvia (9), Kouvola  (7), Nurmijärvi (5), Kerava (5),Jyväskylä (5),  Rautalampi (5),   Piekämäki (5), Kangasniemi (4), Honkajoki (4).

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 165 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 21 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran. Waxaana isniintii kaddib ku soo kordhay qaybtaan 3 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga waxaa u dhintay feyruska korona awgiis dalkaan Finland 9 qof oo hor leh, taasoo tirada dhimashada ee feyruska korona awgiis tan iyo intii cudurka safmarka ah ka bilowady Finland  ka dhigeysa 408 qof.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

18 411 059 63 822 255
 

Tirada u dhimatay feyruska

419 786    1   482 550

Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
  1 Maraykanka 14,1  milyan  182 276    2 614 276 979
  2 Hindiya 9,49   milyan    36 456       500 138 159
  3 Baraaziil 6,38   milyan    52 248       697 173 862
  4 Ruushka 2,32   milyan    26 402       569   40 464
  5 Faransiiska 2,23   milyan       8 083       466   53 506
  6 Spain 1,67   milyan       8 257       442   45 511
  7 Ingiriiska 1,64   milyan     13 430       603   59 051
  8 Talyaaniga 1,62   milyan     19 350       785   56 361
  9 Arjantiin 1,43   milyan       5 726       198   38 928
10 Kolombiya 1,312 milyan       7 986       168   36 934
11 Mexico 1,10   milyan       6 472              285 105 940
12 Jarmalka 1,13   milyan     15 898         497   17 359

Xigasho: YLE,HS,Worldmeter