Finland waxaa laga helay maanta 201 qof oo cusub oo qaba feyruska korona

Sabti 02.01.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 201 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 36 604 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 40 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 101 qof, gobolka Pohjois-Pohjanmaa oo 22 qof ah, iyo Gobolka Varsinais-Suomi oo 16 qof ah.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 47 qof, Vantaa: 28 qof, Oulu: 21 qof, Espoo: 19 qof, Turku: 11 qof, Tampere: 12 qof, Jyväskylä: 8 qof, Hämeenlinna: 8 qof, Lahti: 5 qof,Gobolka Kymenlaakso: 5 qof, Pohjois-Karjala 7 qof, Länsi-Pohja: 4 qof, Etelä-Karjala:  4 qof, iyo inta kale ee soo hadhay magaalooyinka oo min hal qof laga helay.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 199 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 27 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 561 qof.

Xaaladda cudurka safmarka ah ee heerka faafista oo ah kan ugu sarreeya waxaa ku jira gobollada kala ah: HUS, Päijät-Häme, Pohjois-Pohjanmaa, Kymenlaakso, Kanta-Häme, Varsinais-Suomi, Ahvenanmaa, Pieksämäki iyo laba degmo oo ka tirsan Pohjanmaa oo kala ah: Korsnäs, Mustasaari.

Heerka labaad ee karaar qaadashada waxaa ku jira gobollada Satakunta, Etelä-Savo (pl. Pieksämäki), Keski-Suomi, Länsi-Pohja, Pirkanmaa, Etelä-Pohjanmaa, Keski-Pohjanmaa, Etelä-Karjala iyo Pohjois-Karjala.

Heerka hoose: Itä-Savo, Lappi, Pohjois-Savo iyo Kainuu.

 

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

 26 777 612    84 460 368
      577 674    1  837 166

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

 

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 20,6 milyan 166 044   2 1 29 356 445
2 Hindiya 10,3 milyan    17 080      187 149 205
3 Baraaziil 7,70 milyan    24 605      465 195 441
4 Ruushka 3,18 milyan    27 309      536   57 555
5 Faransiiska 2,63 milyan    19 348      133   64 765
6 Ingiriiska 2,54 milyan    53 285      613   74 125
7 Turkiga 2,22 milyan    12 203      212   21 093
8 Talyaaniga 2,12 milyan    22 211      462   74 621
9 Isbeyn 1,94 milyan   50 837
10 Jarmalka 1,76 milyan    34 519      325   34 519
11 Kolombiya 1,65 milyan    12 105      282   43 495
12 Arjantiin 1,63 milyan      4 080         74   43 319
13 Meksiko 1,42 milyan    12 159      910  125 807
14 Poland 1,30 milyan    11 069      400    28 956
15 Iiraan 1,23 milyan      6 286      114    55 337
16 K/afrika 1,07 milyan     16 726      418    28 887
17 Ukrine 1,06 milyan       9 432      147    18 680
18 Peru 1,02 milyan       2 062        44    37 724

 Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS