Dowladda Finland oo bilaabeysa qorshe lagu adkeynayo ammaanka iyo bedqabka goobaha lagu cibaadeysto

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa khamiistii la soo dhaafay sameysay Guddi shaqo oo loo xilsaaray inay ka soo talo bixiyaan qataraha amni ee ay wajahayaan goobaha lagu cibaadeysto, isla markaana keeni doona soojeedino lagu hagaajinayo bedqabkooda iyo amnigooda sida lagu sheegay warsaxaafadeed rasmi oo ay wasaaraddu faafisay sida ay qortay mareegta Daily Finland.

Xilishaqeedka kooxdan shaqo oo socon doona ilaa 31 Maajo, 2021 ayaa waxaa xubnihiisa ka mid ah Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Waxbarashada iyo Dhaqanka, Ururka Qaran ee Badbaadinta iyo qaar ka mid ah wadaaddada diimaha iyo ururada diimaha.

Kooxdan shaqo ayaa soo ururin doonata macluumaadka la xiriira qataraha amni ee ay wajahayaan, gaar ahaan goobaha ay ku cibaadeystaan Yuhuudda iyo masaajidda Muslimiinta, isla markaana soojeedino ka sameyn doona sida loo hagaajin karo bedqabka iyo amniga bulshooyinkan iyadoo loo marayo hab Tababar, tallaabooyin amniga wax looga qabanayo iyo khibrad siin la xiriirta amniga iyo bedqabka.

Macluumaadka la soo ururiyo ayaa ugu dambeyn laga sameyn doonaa buug-yare ku saabsan habka loo hagaajin karo bedqabka iyo amniga.

Shaqada ay qabanayaan kooxdan shaqo ayaa lagu saleynayaa qaraarka dowladda ee Qorshaha Qaran ee ka hortagga xagjirnimada rabshadaha wata iyo xagjirnimada ee la soo saaray bishii Disember 2019.

Sanadihii la soo dhaafay, qataraha amni ee ay wajahayaan goobahan lagu cibaadeysto iyo dadka ku cibaadeystaba waa ay korortay, iyadoo weeraro dhowr ah ay ka dhaceen waddamo kala duwan, iyadoo hanjabaado loo geystay goobo ku yaalla dalka Finland.
Ujeedka Dowladda Finland ayaa ah inay ka hortagto qataraha amni iyadoo si firfircoon u hagaajineysa tallaabooyinka amni iyo khibradda la xiriirta amniga iyo bedqabka.

Isha Warka: Daily Finland