WARBIXIN: Suldaan Said Ahmed oo ka qaybgalay hadal taariikhi ahna ka jeediyay Shirweynaha Qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed oo Muqdisho ka dhacay

Suldaan Said Ahmed oo hadal ka jeedinaya Shirweynaha qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed/ Photo Wasaaradda dhallinyarada Somalia

Muqdisho- Somalia- Suldaan Said Ahmed oo horay u soo noqday xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Finland iyo ergayga gaarka ah ee wasiirka arrimaha dibadda Finland u qaabilsan nabadda iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika oo hadal ka jeediyay Shirweynaha dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa sheegay, in jidka kaliya ee Soomaaliya u furan uu yahay dulqaad, isu-tanaasul iyo icafin.

Photo Wasaraadda dhallinyarada Soomaaliya

Shirweynaha oo uu furay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa waxaa ka soo qaybgelaya dhallinyaro badan oo dalka iyo dibaddaba isaga kala timid waxaana diiradda lagu saarayaa sidii ay dhallinyarada Soomaaliyeed oo aan kala sooc lahayn uga qaybqaadan lahaayeen saldhigidda siyaasadda, ammaanka, dhaqaalaha iyo horumarka Soomaaliya.

Photo Wasaraadda dhallinyarada Soomaaliya

Mudane Suldaan Said Ahmed oo Shirweynaha ka hadlayay ayaa carrabka ku adkeeyay, sida aan looga maarmin in danaha siyaasadeed ee is-diiddan doc la isaga riixo loona soo jeesto sidii loo adkayn aasaaska dowladnimada Soomaaliya oo weli jilicsan.

Qaar kamid ah hadallada taariikhiga ah ee dareenka dhabta ah xambaarsan ee uu Mudane Suldaan said Ahmed ka jeediyay Shirweynaha ayaa waxaa kamid ah:

Photo Wasaraadda dhallinyarada Soomaaliya

”Waxaa loo baahanyahay, in qof kasta, ha noqdaan dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeedba ay gacmaha isqabsadaan oo aan marka hore wadankeenna dhisanno kaddibna waxa dhexdeenna ah waxaa lagu dhammayn karaa wadahdal, walaaltinimo, Soomaalinnimo iyo Islaamnimo

”Waxaa loo baahanyahay in dadkeenna iyo dowladdeenu ay gacanta isqabsadaan, la is cafiyo nabaddana laga wada-shaqeeyo. Nabadda waxaa u baahan dhallinyarada Soomaaliyeed.”

”Waddanka aan ka imid ee Finland wuxuu aamisanyahay in ay waajib ku tahay, in wadamada ku jira xaaladdii uu soo maray sida dagaal sokeeye, gaajo iyo dhibaato uu garab istaaggo lana shaqeeyo. Soomaaliya waxay ku jirtaa dalalka Geeska Afrika ee ugu muhiimsan ee ay Finland wadashaqeynta horumarineed la leedahay.”

Xuquuqda sawirka/ Wasaaradda dhallinyarada Soomaaliya

”Waxaan ku talin lahaa, in Soomaalidu ay heshiiso, qabyaaladda mar labaad la aaso, sare loo qaado oo la horumariyo waxyaabaha dadka Soomaaliyeed mideeya, waxa ka dhexeeya iyo in la illaawo aragtida ah: haddii aan anigu maanta miiska iska waayo, haddii ay aniga taydu maanta socon weydo Soomaaliyana ma soconayso.”

”Waxaan dowladda Ra’iisal Wasaare Xamse iyo wasiiraddiisa ku dhiirrigelinayaa, in si loo helo Soomaaliya qurux badan oo walaalo ah dhexdeedana heshiis ka ah dulqaadka la badiyo, inta maqan la soo dhoweeyo, sababtoo ah si aad walaalkaa u hesho waa in aad mararka qaarkood wax badan ka tanasushaa”.

Hadallada taariikhda galay ee Suldaan Said Ahmed laga guntay intii uu shirku socday ayaa waxaa sidoo kale kamid ahaa:- ”Waa laga baxayaa waxaas oo dhan waxaanna rajaynayaa in Soomaaliya ay kamid noqoto wadamada adduunka ugu amniga badan, ugu horumarsan- waana noqonaysaa sidaas, sababtoo ah dadka Soomaaliyeed waa dad aanan weligood rajada joojin.”

”Waxay shaqaysanayeen Muqdisho oo xabadi ka dheceyso oo aan la isaga gudbin karin, iskuulladu shaqaynayeen, waxbarashada ka shaqaynayeen. Waxaan rajaynayaa maanta oo 2023 la joogo dowladduna ay cusub tahay, horumarku fiicanyahay in gacmaha la isqabsado oo ugu yaraan marka dalka la xoreeyo kaddib mucaarad iyo muxaafid la isu gilgilo.”

Ugu dambeyntii wuxuu Suldaan Said Ahmed u hambalyeeyay dhallinyarada Soomaaliyeed ee dibadda ka timid iyo kuwa dalka ku sugan isagoona xusuusiyay, in dalna aanu ku waarin dhibaato, gaajo iyo nabad la’aan.

Suldaan Said Ahmed ayaa ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku kortay qurbaha kuwooda ugu saamaynta badan. Wuxuu noqday qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo gala baarlamaanka Finland. Wuxuu sidoo kale Finland ka noqday shakhsigii ugu horreeyay ee asalkiisu ajnabi yahay oo qabta xil diblumaasiyadeed heerkiisu sarreeyay, xilkaas oo ah ergayga gaarka ah ee wasiirka arrimaha dibadda Finland u qaabilsan nabadaynta iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika.

Hadda Suldaan Said Ahmed waa khabiir sare oo ka hawlgala waaxda Nabadda ee Wasaraadda Arrimaha Dibadda ee Finland.

SSMV